Somaliland Oo Mar Kale Shaacisay In Kooxo Aragagixiso ah Ay Soo Galeen Sool

0
223

Hargeysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay in gobolka Sool ay si joogto ah ugu soo qul-qulayaan kooxaha argagixisada ah.

Waxaanay sheegtay Somaliland in kooxahani ay todobaadyadan ba si is da ba joog ah u soo gaadhayeen magaaladda Laascaanood, iyo gobolka Sanaag, halkaasoo ay dhulka buuralayda ah gabaad ka raadsadeen.

Iyadoo na ciidamadan xoogan ee ka tirsan Alshabaab ay ka soo firxadeen gulufka dagaal ee xoogan oo waayadan danbd kaga socda goboladda koonfureed ee Soomaaliya.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, kaasoo lagu faah-faahiyay kooxahan argagixisada ah ee soo galay Sool, iyo Sanaag.

War-saxaafadeeedkaasina waxa uu u dhignaa sifan:

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay marlabaad u caddaynaysaa Shacabkeeda iyo Beesha Calaamkaba sida joogtada ah ee Kooxaha Argagixisada ahi ugu soo qulqulayaan Magaalada Laascaanood.

Sidii ay hore ba u caddaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, taasoo ahayd in ay Magaalada Laascaanood soo galeen in ka badan 600 oo ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah wixii ka dambeeyey 25 bishii August.

Hadaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay maanta bulshada u caddaynaysaa iyo Caalamkaba meelaha ay ka soo galeen Magaalada Laascaanood kooxaha Argagixisada ah, kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay khalkhal geliyaan xasiloonida Geeska Afrika.

1- Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay magaalada Laascaanood iyo Buuhoodle, waxay ka soo degeen Buuraha Sil-silada Gollis, gaar ahaana Buuraha ku xeeran Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, kuwaasoo lagu magcaabo GALGALA, waana meelaha ay ku xoogan yihiin Kooxaha Al-shabab iyo Daacish.

2- Qaybta labaad ee ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee soo gaadhay Laascaanood, ayaa ah kuwo ka soo guurey Gobolada Dhexe ee Soomaliya, Sida Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe iyo meelo kale oo ka tirsan koonfurta Soomaliya, kuwaasoo qaarkood lagu soo jebiyey dagaalada ka socda Somaliya.

3- Qaybta Saddexaad oo ah kuwa ugu badan ayaa ka soo baxay Xeryo tababar oo uu leeyahay Abdi Madoobe oo ah Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Buuhoodle.

Xeryahan tababarka ayaa ku yaalla Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Buuhoodle iyo Degaanka Shululux, halkaas oo Cabdi Madoobe ku soo tababaray boqolaal Dhallinyaro ah oo uu ka dhaadhiciyey fekerka xagjirninada ah ee Al-Shabaab.

Cabdi Madoobe, ayaa ah wakiilka ururka Al-Shabaab ee degaanada Buuhoodle iyo Laascaanood, waxaa uu ka mid ahaan jirey ilaaladii gaarka ahayd ee Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aadan Xaashi Caydhow, waxaa uu ku dhaawacmay Cabdi Madoobe dagaaladii Muqdisho ka Dhacay, kuwaasoo u dhexeeyey kooxdii Maxaakiimta islaamiga ahayd iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.
Cabdi Madoobe iyo kooxaha kale ee Argagixisada ah ayaa wada qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah guud ahaan xasiloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin Dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha Argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya.

Waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here