Guddiga Is-waafajinta Xeerarka Doorashooyinka Oo Kulamo Yeeshay

0
158

Hargaysa (HP): Guddida Is-waafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa maanta goobo kala duwan ku yeeshay Fadhiyadoodii 12aad iyo 13aad.

Gudida ayaa Fadhigii 12aad oo ay ku yeesheen xaruunta golaha la kulmay Gudida Diiwaan galinta Ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka.
Halka Fadhigiidii 13aad na ay Maxkamada Sarre ee Somaliland kula kulmeen Gudoomiyaha maxkamada sare iyo kuxigeenkiisa iyo waliba xubno kamid ah garsoorayaasha maxkamada dastuuriga ah ee Dalka.

Fadhiyadani oo shir gudoominayay Gudoomiyaha gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi Saacado badana qaatay ayaa ujeedadoodu ahayd sidii ay dhinacyadani u soo jeedin lahaayeen waxyaabaha u baahan in ay ka dhex muuqasaan xeerarka doorashooyinka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here