Guddiga Horumarinta Marinka Berbera Oo Yeeshay Kulankoodii Isku-dubbaridka

0
274

Hargaysa (HP): Guddida Horumarinta Marinka Berbera ayaa maanta yeeshay kulankoodii isku-dubbaridka ahaa ee ay kaga wada-hadleen ka faa’iidaysiga marinka.


Waxaana kulankaa shir-gudoominayay wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

Shirkaasi waxa kaloo wasiirka ganacsiga ku wehelinayay wasiirradda Arrimaha Dibedda iyo Gaadiidka iyo qaar ka mida Guddida sare ee hormarinta marinka dekadda Berbera.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay siidii loo hormarin lahaa, isla markaana looga faa’iidaysan lahaa Marinka Berbera oo ah mid muhiim ah.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here