Somaliland Oo Ka Hadashay Muranka Badda Ee Kenya iyo Soomaaliya

0
567

Berbera (Hargeisa Press.com): Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay muranka la xidhiidha dhinca Badda ee ka dhex taagan dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaanay Somaliland sheegtay arrintaasi aanay iyada waxba ka khusaynin, isla markaana ay tahay mid u dhaxaysa dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi, waxa uu  tilmaamay in haddii dawladda federaalka Soomaaliya ay qiri lahayd in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan in  Somaliland  ay kaalin weyn  ka qaadan lahayd muranka dhinaca Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Arrintaasi muranka Badda, waa arrin ka dhaxaysa dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya iyo dawladda Kenya.

Arrin Somaliland khusaysana ma aha. Somaliland waxay masuul ka tahay Baddeeda, cidii ku soo xad-gudubtana muran iyo gor-gortan ma gelinayso, tallaabo adag ayaanay ka qaadaysaa” ayuu yidhi maareeyaha dekadaha Somaliland oo maanta Berbera ugu waramay Sahan TV.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Arrintaasi muranka Baddu, waxay ka dhaxaysaa Kenya iyo Soomaaliya. Somaliland waxay leedahay ciidan Baddeed oo xoogan iyada ayaana Baddeeda ilaashata, cid ku soo xad-gudbi kartaana ma jirto.

Waanu jeclaan lahayn in aanu ka odayayno, haddii Soomaaliya ay qirto jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland”.

Geesta kale Siciid Xasan C/laahi, waxa uu sheegay in haddii Soomaaliya ay aqoonsan lahayd jamhuuriyadda Somaliland in Somaliland ay door muhiima ka qaadan lahayd khilaafyadda ka dhex jira dalalka Geeska Afrika.

Hase yeeshee taa bedelkeedda dawladda Muqdisho ay ku doodayso in ay maamulaan Somaliland, iyadoo Soomaaliya gurigeedii lagu haysto.

Maareeye Siciid, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu ydihi “Laakiin, musiibo ayay Soomaaliya ku noqotay Somaliland, iyadoo Soomaaliya teedii la liidata, ayay hadana leedahay, waxaanu maamulaynaa jamhuuriyadda Somaliland.

Runtii jamhuuriyadda Somaliland meel adag ayay ka is-taagi lahayd, haddii ay Soomaaliya qirto in aanu nahay laba dal oo jaar ah”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here