Somaliland Oo ka Digay Barnaamijka Is-dhex Galka Dhalinyarradda Ee Ay Soomaaliya Waddo

0
375

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka digay barnaamijka loo yaqaano is-dhex galka dhalinyaradda gaar ahaana kuwa somaliland iyo Soomaaliya ee ay waddo dawladda federaalka Soomaaliya.

Barnaamijkaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay mid saamayn ku yeeshay dhalinyaradda reer Somaliland kaasoo sababay in dhalinyaradda qaarkood ay u han-qal taagaan in ay tagaan Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in ka hor inta ay Soomaaliya ku mashquulsan tahay in ay midayso fikirka dhalinyaradda reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay mideeyaan kuwa Xamar iyo Baydhaba, ama Baydhaba Kismayo.

Wasiir Maxamed Kaahin, waxa kaloo uu xusay in faraq aad u weyni uu u dhexeeyo dhalinyaradda reer  Somaliland iyo kuwa ku nool  koonfurta Soomaaliya, waxaanu tusaale u soo qaatay in ay arrintaasi ka horayso in bulshadda magaaladda Gaalkacayo la is dhex geliyo, oo laba maamul ka jiraan.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex iyo badhasaabka cusub ee dhawaan la magacaabay.

Geesta kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda Somaliland iyo xisbiyadda iyo siyaasiyiintaba in laga midaysnaado arrinta difaacidda iyo daacad u noqoshadda qaranimadda Somaliland.

Dhinaca kale Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii dheerayd ee loo soo maray aasaaskii qaranimadda Somaliland iyo halka ay maanta marayso.

 

DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here