“Xabadda Caasha-badhida ahi Wanankeena waaweyn ayay la qiime tahay”…

0
588

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay tiradda rasmiga ah ee xayawaanka Xamaarratadda ee loo yaqaano Caasha-badhida oo dhawaan la qabtay iyadoo dalka laga dhoofinayo.

Waxaanay sheegtay wasiirku in xayawaankaasi tiraba saddex jeer oo kala duwan lagu qabtay iyadoo sifo sharci darro ah dalka looga dhoofinayo, taasoo tiradda imika la hayo ay tahay 575 xabadood oo Caasha-badhi ah.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa tilmaantay in xayawaano fara badan oo kala duwan oo dalkeenna ku nool in dadyow ajaanib ahi ay si sharci darro ah dalkeenna uga ugaadhsadaan, kadibna ay wadamadda dibadda u dhoofiyaan.

Xayawaanadaasi oo ay ka mid tahay Caasha-badhida oo todobaadkii ina dhaafay tiradii ugu badnayd lagu qabtay garroonka diyaarradaha Hargaysa, taasoo ay wasiirku ku tilmaantay in ay ka mid tahay khayraadka dalkeenna.

Wasiir Shukri Baandare, waxay sidan ka sheegtay hadal ay maanta ka jeedisay tababar ku saabsan la dagaalanka ka ganacsiga sharci darradda ah ee Harimacadka oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaysaysna waxay tidhi, “Markaynu ka hadlayno bad-baadinta duur joogta oo ka mid ah khayraadka dalkeenna. Dhawaan Caasha-badhida 575 oo xabadood ayaynu soo qabanay. Saddex jeer oo kala duwan ayaynu soo qabanay, saddexda jeer ba garroonka diyaarradaha Hargaysa ayaa laga soo qabtay. Dadka lagu soo qabtayna waa dad gaar ah, oo maalin walba lagu soo qabto”.

“Waxaanu ogaanay, oo aanaan markii hore war ka haynin, oo aanu la yaabnay, in aanay dadkeenu kaba fekeraynin, Caasha-badhida shaydaamad ayaynu u naqaanaa.

Bal hadaba ka warran, ka isaguna khayraad u yaqaana? Adigu ka aad shaydaanka u taqaano, oo khayraadkaagii ah, isaguna khayraad buu u yaqaanaa” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Baandare.

Geesta kale wasiirka deegaanka Somaliland waxay sheegtay in xabadda Caasha-badhida ah marka dalkeena laga guranayo in lagu kala iibsado qiime dhan qiyaas ahaan ilaa $40 dollar, qiimahaasi oo u dhigma inta lagu kala iibsado Wananka Adhiga ah ee dalkeenna.

Hase yeeshee marka wadamadda dibada la geeyo in lagu kala iibsado lacag aad u fara badan oo gaadhaysa ilaa $500 oo dollar, taasoo  loo sameeyo xayaysiisyo aad u badan oo dadka loogu sheegayo in guryahoodda loogu keenayo.

Waxaanay tidhi, “Xabadda Caasha-badhida ah, waxaa laga yaabaa, in ay qiyaas ahaan inaga dalkeena kaga baxdo $40. Wanankeena waaweyn ayay a qiime tahay. Laakiin, marka ay dalka dibadiisa u baxdo, qiimaha lagu kala iibsadaa waa $500 oo dollar.

Xayaysiinteedda haddii aad eegtaan, waxaa ku qoran Caasha-badhidaasi waxaa laguugu keenayaa gurigaaga adigoo jooga. Waxaana lagu soo qaadayaa, dhamaanba wax allaale iyo wixii wax lagu qaadi jiray, ayaa gurigaaga kuugu keenaya”.

Dhinaca kale todobaadkii hore ayay ahayd markii ay ciidamadda laanta socdaalka Somaliland ee garroonka diyaarradaha magaaladda Hargaysa ay qabteen niman ajaanib ah oo dalka dibadiisa u dhoofinayay xayawaanka loo yaqaano Caasha-badhidda.

Qofkii lagu qabtay xamaarataasi Caasha-badhida loo yaqaano ayaa u dhashay dalka Masar, kaasoo doonayay inuu si qarsoodi ah dalka uga dhoofiyo, isla markaana ku soo qariyay Boorsooyinka Dharka lagu qaato.

Iyadoona ninkaasi u dhashay dalka Masar ay ciidamadda boolisku xidheen, sida uu sheegay taliyaha ciidamadda laanta socdaalka Somaliland oo maalintii ay qabteen xayawaankaasi ka warbixinayay.

 

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here