Shirkadda Air Arabia Oo Dib u Bilawday Duulimaadyadeedii Hargaysa

0
371

Hargayaa (HP): Garoonka diyaaradaha Cigaal Air port waxa soo gaadhay Diyaaradda Air arabia oo maanta si rasmi ah dulimaadkeedi uga bilaabaysa Somaliland.

Duulimaadkan maanta ee diyaaradda Air Arabia ayaa ka soo kicitimay magaaladda Sharjah ee dalka isku taga Imaaraadka Carabta.

Shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia oo muddo aan duulimaadyo ku iman Somaliland ayaa mar kale saaka dib u bilawday.

Waxaana garoonka Hargaysa ku soo dhaweeyay duulimaadkii saaka mareeyaha haayadda Madaaradda dalka Cumar Sayid Cabdilaahi, wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, iyo masuuliyiinta shirkadaasi.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ayaa ka hadlay muhiimada duulimaadka shirkadani u leedahay shacbka Somaliland.

Wasiirrada biyaha iyo diinta iyo awqaafta Somaliland oo ka hadlay soo noqoshadda duulimaadyadda Air Arabia ee Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY