Somaliland: Maxkamadda Sare oo dhaarisay Xildhibaan Cusub oo ku Soo Biiray Golaha Guurtidda

0
834

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mudane Bedel Sh.Khaliif Sh.Xasan Gudaal ayaa maanta loo dhaariyay inuu ka mid noqdo  Golaha Guurtida Somaliland.

 

Sida wax lagu sheegay War-saxaafadeed  maanta ka  soo baxay  Maxkamadda Sare. kaas oo  u dhigna sidan:

 

Ujeedo: Dhaarin Mudane

 

Tixraaca sumadeedu tahay GG/JSL/10/67/2016 Ee ku taariikhaysan 20/04/2016,kuna saabsan soo dhaarin Mudane Bedel Sh.Khaliif Sh.Xasan Gudaal. ee uu noosoo Gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL.

dhaarin

Guddoomiyaha maxkamadda sare: waxaa uu manta oo ay taariikhdtu tahay 03/05/2016 ku dhaariyay Mudane Bedel Sh.Khaliif Sh.Xasan Gudaal Dhaarta Ku xusan Qodobka 129 aad Ee  Dastuurka JSL, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay  03/05/2016. Saacaduna tahay 09:28 wuxuu ka mid noqonayaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda JSL.

 

 

ALLAA MAHAD LEH.

Cismaan Maxamed Caydiid

Xafiiska xidhiidhka Dadwaynaha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here