Somaliland Maxay Kaga Jawaabtay In Dawlada Turkigu Hor istaagtay Munaasibad Lagu Xusayey 18-ka May?

0
704

Hargaysa (HargeisaPress) —Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay sababta keentay in dawlada Turkigu ay hor istaagto munaasibada 18-ka May oo ay qabsanayeen ardayda reer somaliland ee wax ka dhigta dalkaasi.

Cabdinaasir Axmed Xirsi agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa soo bandhigay sababaha keenay in dawlada Turkigu hor istaagto xuska 18-ka May.

Agaasime Cabdinaasir ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dalka Turkiga waxa ku nool jaaliyad iyo arday u dhashay somaliland, sanadadii hore ee la soo dhaafayna xusaska 18-ka May caadi ayey u qabsan jireen balse hada waxa jira in la joojiyey xafladaas taas oo fasiraado kala duwan laga bixiyey, ardayduna way na soo gaadhsiiyeen markii aanu ka hawl galnay ee aanu la xidhiidhnay dawlada Turkiga waxay naloo sheegay inanay ardaydu marin nidaamka u dajisan dalka Turkiga ee loo maro isku soo baxyada iyo xafladaha noocaas oo kale ah wax kale oo ay la xidhiidhaa ma jiro, marka ay arintaas dhamaystaan oo ay ardaydu nidaamka maraan oo ah inay wasaarada arimaha gudaha codsi u dirsadaan 48 saacadood ka hor inta aanay xafladu dhicin, marka ay ogolaanshaha helaana ay hawshooda sidaas ku galaan, sidaas ayaana ku cad warqada loo diray, wada hadalkii aanu Turkiga la galnay jawaabtii ay naga siiyeene ku cad.”

Sidoo kale agaasimaha guud ayaa meesha ka saaray in dawlada soomaaliya ay lug ku lahayd talaabada ay qaaday dawlada Turkigu “Markasta dawlada soomaaliya waxay isku daydaa inay carqaladayso wax kasta oo wanaag ah oo ay bulshada somaliland qabsanayso, Turkiga iyo wadamo kalana way isku dayday balse uma suuragalayso waayo wadamadaasi waa qaar sharci leh oo ogol inay dadku helaan xuquuqda aasaasiga ah iyo xoriyadooda hadalka cabiri karaan iyaga oo xaflado nabad galyo ah iskugu imanaya, dacwad kasta oo a soomaaliya gaysana ma badalayso waaqica yaala.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here