Af-hayeenka Xildhibaanadii Mooshinka Ka Dhanka Ah Maayarka Gabiley Oo Jawaab Mug Iyo Miisaan Leh Ka Bixiyey

0
979

news logo HPGabiley, HargeisaPress) — Af-hayeenka Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Gabiley ee 22/08/2014kii doortay Gudoonkooda cusub ee ay yeelanayaan Golaha Deegaanka Gabiley ayaa jawaab kulul ka bixiyey Dacaayaad ka dhan ah Maayarka Cusub Taasi looga dan leeyahay in lagu kala fogeeyo Shacabka Reer Gabiley iyo Xukuumada. Af-hayeenka Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ee Mooshinka Xil-ka-qaadista wada Mustafe Sayid Abokor oo Nuqul soo gaadhsiiyey Xafiiska Hargeisapress.com ee Gabiley ayaa ku billaabay Hadalkiisa.

“Aniga oo ah Mas’uul dhaarsan kuna dhaarsan in aanu Afkayga ka soo bixin Erey Been ahi, waxaan Sharaxaad ka bixinayaa Shaqsiyada Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo dhawaan Aqlabiyada Golaha Deegaanka Gabiley ay u doorteen Gudoomiyaha Cusub ee badalaya Maayarkan hada talada haya, Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi waa Shaqsiyad qiimo wayn ku dhex leh Bulsha-waynta Gobolka Gabiley, waa Aqoon-yahan Akhlaaq wanaag iyo Cibaado suuban Dadwaynuhu ku yaqaanaan, Intii aanu noqon Xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, waxa uu ahaa Shaqsi si firfircoon uga qayb qaadan jiray Adeegyada Danta guud”, Ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor. Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor mar uu la hadlayey Xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu yidhi: “Waxaanu dooranay Maayarkii rumayn lahaa hanka iyo himilladaBulshowaynta Gabiley, lana jaan-qaadi lahaa Xukuumada Tallada haysa ee Aanu aqoonsanahay Xukuumadii Horumarka, Waxa kale oo aanu garwaaqsanahay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Adan Siilanyo uu suurto galiyey in Maanta ay Da-yartii Aqoonta lahayd ay ka mid noqdaan Golayaasha Deegaanada Dalka, siiyeyna Fursadaha Sharci ee ay kaga mid noqdeen Hogaaminta Dalka, Arrintaasi oo aanu dadwaynaha ugu bandhigayna Midho-dhalkii Fikirkii Madaxwaynaha ee ka qayb-qaadashada Hogaaminta Dalka ee Da’yarta”. Ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor. Waxa uu ku daray hadalkiisa Xildhibaan Mustafe : “Waxaanu idiin doornay Maayarkii Idin tusi lahaa Wax-qabad muuqda, oo la taaban karo, Dadwaynahana ka bogsiin lahaa Humaagyada Indho-sarcaadka ahaa ee Waxqabadka looga dhigo Mashaariico aan jirin, iyo sheegashada Mashaariicaha JPLG ee ay Hay’adaha Caalamiga ahi ka fuliyaan Gabiley”. Ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Sayid. Xildhibaanku mar uu ka hadlayey Dacaayado laga faafiyey Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi waxaa uu yidhi: “Aniga oo ah Astaantii Kulmiye ee Gabiley ayaan Fursad u helin in aan iska sharraxo Xisbiga Kulmiye, waxaanan ka soo baxay Ururkii Dalsan, Xildhibaan Maxamed Amiina waxaan filayaa inuu Igala mid yahay in Isaguna fursad u waayey in uu iska dhex sharaxo Xisbiga Kulmiye oo Badi Musharaxiintii Reer Gabiley ay isku cidhiidhyeen, Xildhibaanada Golaha ee doortay Xildhibaan Amiina badankoodu waxay ka soo jeedaan Xisbiga Kulmiye mid ka soo baxay iyo Mid ku biirayba, dhamaantayo waxaanu isku qancinay in Mas’uuliyadi naga saran tahay Shakhsiga aanu ku aaminayno Masiirka Umada aanu Wakiilka ka nahay, taasi darteed waxaanu ka dhabaynay Himiladii aanu hiigsanaynay”. Ayuu yidhi Mustafe Sayid.

Ugu danbayntii Afhayeenka Garabka Isbadal-doonka ah Mustafe Sayid Abokor waxaa uu kula dardaarmay Shacabka Reer Gabiley In Xukuumada Xisbiga Kulmiye tahay Tacabkoodii, Talladii Dalkuna Gacantooda ku jirto Xisbi ay ku doorsanayaana aanay manta arkaynin, Xukuumadana waxaa uu kula dardaarmay inay ka foojignaato Dacaayadaha lagu kala fogaynayo Xukuumada iyo Bulshada Rer Gabiley, Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Axsaabta Siyaasada loo abuuray si looga fogaado Qabiilka qabyaalada, waxaanu ku waaniyey in ay ka waantoobaan Adeegsiga Magacyada Qabiilka iyo Habraha, sida Habar-Magaado oo kale. Afhayeenka Cusub ee Xildhibaanadii Kalsoonidii kala noqday Maayarka Gabiley, isla markaana doortay Maayarka Cusub. Mustafe Sayid Abokor.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY