Somaliland: Laba Wasaarradood iyo Sideed Degmo Oo Heshiis Wada Saxeexday

0
329

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta laba wasaarradood iyo siddeed degmo oo dalka ah u kala saxeexay mashruuca maamul-daadejinta ee JPLG-ga.
Wasaarradaha iyo dawladaha hoose ee heshiiska uu madaxweyne ku-xigeenku u kala saxeexay ayaa kala ah wasaarradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo dawladaha hoose ee Siddeed degmo.


Barnaamijka horumarinta dawladda hoose iyo maamul-daadajinta ee JPLG-ga ayaa degmooyinka heshiiska la seexday wasaarradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka waxay ka wada shaqayn doonaan horumarinta caafimaadka iyo waxbarashadda aasaasiga ah.


Waxaana heshiiskaasi labadda wasaarradood iyo sideedda degmo u kala saxeexay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha mashruuca JPLG-ga oo kulankii saxeexa heshiiskaasi khudbad ka jeediyay ayaa ka waramay waxyaabaha ay ka wada shaqaynayaan labadan wasaarradood iyo sideedaasi degmo.

DAAWO: Khudbadii C/raxmaan Saylici:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here