Wasiir Koore Oo Cadeeyay in Madaxweyne Biixi Safar Ugu Baxayo Ethiopia

0
335

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maalinta beriya safar ugu kicitimo magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.
Kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay dawladda federaalka dalka Ethipia, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeisa.
Wasiir Koore, waxa uu tilmaamay in marka madaxweyne Biixi, uu tago Ethiopia inuu kulamo la yeelan doono madaxda dalkaasi, isla markaana ay yeelan doonaan shirar lagaga hadli doono danaha u dhexeeya labadda dal.

Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu ka hadlay qarraarkii shalay maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay arrinta furista ururadda siyaasadda.
Waxaanu sheegay wasiir Koore, in ay ka xukuumad ahaan si weyn oo mug leh u soo dhawaynayaan Qaraarkii Maxkamadda sare ka soo saartay furista ururadda siyaasadda.
Wasiirku ayaa intaas raaciyay in wixii hadda ka danbeeya go’aanka maxkamadda sare ay noqon doonto in tallaabo-tallaabo loo qaado, isla markaana haayadaha ku shaqadda leh ay go’aamadaasi qaadan doona.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Wasiir Koore:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here