Shirkad Somaliland Kala Shaqaynaysa Suuq-gaynta Xoolaha iyo Kalluunka

0
396

Hargaysa (HP): Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Wasiir Siciid Sulub Maxamed, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ka socday shirkad caalami ah oo qaabilsan suuq-gaynta wax soosaarka xoolaha iyo kalluunka.

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland ee caasimadda Hargaysa, ayaa ku saabsanaa sidii ay wasaaradda iyo haayadaasi uga wada shaqayn lahaayeen suuq-gaynta iyo wax soo saarka xoolaha iyo kalluunka.

Waxaanay wasiirka iyo masuuliyiinta shirkadaasi ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa suuq gaynta wax soo saarka dalkan Somaliland oo uu ku jiro kalluunka iyo Hilibka xoolaha.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay kulankaasi ka soo saartay waaxda warbaahinta ee wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland.
Wasiir Siciid Sulub Maxamed, oo kulankaasi ka hadlay aad ugu dheeraaday khayraadka Dihin ee ka buuxa Badda jamhuuriyada Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto.
Shirkadan uu wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland shirka la yeeshay ayaa xafiisyo ku leh Dubai iyo Riyaad ee dalalka imaaraadka Carrabta iyo Sacuudiga, taasoo sidoo kalena samaysa daraasadaha wax soo saarka caalamiga ah.

Geesta kale wasiirka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland ayaa ka codsaday masuuliyiinta shirkadaasi inay kala shaqeeyaan sidii ay xoolaha Somaliland ugu iib gayn lahaayeen dalal cusub oo xidhiidh ganacsi la yeesha Somaliland.
Gebagebadii kulanaasi waxaa la isla qaatay in khubaradan ka socday shirkadaasi ay socdaal indho indhayn ah ku tagaan xarumaha karantiinadda (maxjarka) xoolaha, Kawaanada Gawraca iyo qaboojiyeyaasha kalluunka ee Berbera.

Dhinaca kale warka kulankaasi ayaan lagu sheegin magaca shirkadda, wadanka laga leeyahay iyo in ay tahay shirkad rasmiya oo caalami ah lana aqoonsan yahay, iyo in kale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here