Somaliland: Kiisas Cusub oo Ku Soo Kordhay Xanuunka Coranavirus

0
1858

Hargeisa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintiisii maalinlaha ahayd la wadaagaya bulshada ayaa maanta sheegay inay afar iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyey baadhitaanadii ay sammeeyeen ay ku ogaadeen shan kiis oo cusub oo xannuunka karoona fayras ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku waxa uu cadeeyey in shanta kiis ee cusub shantuba ay rag yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin gobolkan Maroodi-jeex, iyadoo da’adoodu ay u dhaxayso 30 jir ilaa 70 jir, taas oo tirada guud ee xannuunka karoona fayras dadka uu soo ritay ee Somalialnd ka dhigaysa 48 kiis, waxayna shantan qof ka soo baxeen labaatan qof oo baadhitaan lagu sameeyey iyadoo tirada guud ee baadhitaanka lagu sameeyey dalka oo dhan ay noqonayso 426 qof.

wuxuuna agaasimuhu sheegay inay sideedii u soconayso baadhitaanadii laga waday goobaha kala duwan ee xadduudaha dalka laga soo galo, iyadoo afar iyo labaatankii saacadood ee uu dambeeyey laga hubiyey xannuunka dad tiradoodu gaadhayso laba kun boqol iyo laba iyo sideetan qof, halka ay xarunta guud ee la socodka xannuunka koofidh-19, ay la soo xidhiidheen dad gaadhaya saddex iyo toban kun laba boqol iyo sagaal iyo labaatan qof, iyadoo ay xaaladda karantiinka ay ku jiraan todobaatan qof oo ay wasaaradda caafimaadku ku hayso goobo loogu talo galay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, waxa uu intaas ku daray inay tirada xannuunkaas ka bogsatay ay tahay lix qof, halka dadka ay xaaladoodu adag tahayna ay gaadhayaan ilaa shan iyo toba qof, wuxuuna agaasimuhu ka codsaday bulshada inay qaataan fariimaha wacyigelinta wasaaradda caafimaadka ee la xidhiidha xannuunka koofidh-19, isagoo intaas raaciyey inay dadku kala fogaadaan isla markaana ay ku dedaalaan nadaafada guud si looga dheeraado wax kasta oo uu xannuunkaasi ku faafi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here