Dowladda Sucuudiga oo Shaacisay Inay Saddex Laab Kordhin Doonto Cashuurta Ay Saarto Alaabta iyo Adeegyada Dalkeeda

0
1384

Riyadh (Hargeisa Press)- Dowladda Sucuudiga ayaa waxa ay shaacisay inay saddex laab kordhin doonto cashuurta ay saarto alaabta iyo adeegyada dalkeeda xilli uu dhaqaalaha waddankaasi la degay fayraska Corona.

Boqortooyada ayaa laba sano ka hor dhaqangelisay cashuurtaasi iyadoo xilligaasi dooneysay inay kaga maaranto ku tiirsanaanta weyn ee shidaalka caydhiinka ah ee ay u iib geyso caalamka.

Laga bilaabo bisha July ee sannadkan ayaa waxaa cashuurta dalkaasi sare loo qaadi doonaa boqolkiiba shan iyo toban halkii markii hore ay ka ahayd shan boqolkiiba.

Boqortooyda ayaa sido kale bisha dambe meesha ka saari doonta kharashaadka dheeriga ee la siiyo shaqaalaha dowladda.

Wasiirka Maaliyadda ee Sucuudiga ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi xanuunka badan ay yihiin kuwa laga maarmaan ah oo ilaalinaya dhaqaalo xumida ay horseedeen dhibaatooyinka xanuunkan dunida halakeeyay ee coronavirus .

Sucuudiga oo ah dalka saliidda ugu badan dunida oo dhan laga dhoofiyo ayaa dareemayaa in dhakhligiisii uu hoos u dhac ku yimi sababo la xidhiidha qiimiha shidaalka ee caalamka.

Tallaabooyinkan la soo rogay ayaa imanaya kaddib markii boqortooyada ay ku dhawaaqday in miisaaniyadda ay hoos u dhacday 9 bilyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here