Somaliland Ka Qayb-gashay Shir Caalamiya oo lagaga hadlayay Badaha + SAWIRRO

0
804

Djibouti, (HargeisaPress) Shir laba maalmood ka socday magaalada Jabuuti ee Caasimadda waddanka Djibouti oo ay ka qayb-galeen Khoboro ku takhasustay dhinaca Sharciyada iyo Xeerarka oo ka kala yimi dalalka Geeska Afrika oo ay Somaliland-na Xubno metalayaa ka qaybgaleen.

Ujeeddada Shirkan ayaa ahaa mid Amniga marinka Maraakiibta ee Badaha ku saabsanaa iyo sidii loo samayn lahaa Xeerarar ka soo fula Golayaasha Barlaamanka waddamada ku yaalla Geeska Afrika oo lagu dhaqmo, waxana Somaliland uga qayb-galay Xeer-ilaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan.

Shirkan waxa soo qabaan qabiyay ururka qaramada midoobay u qaabilsan la dagalaanka budhcad badeeda ee loo yaqano “EUCAP Nestor” oo ay kashaaneysay wasaradda cadaaladda Djibouti. Waxaana shirkaas la soo gabagabeeyay shalay.

“Nuxurka shirkan labada maalmood socday ayaa ahaa sidii aanu xeerar hor dhac ah u samayn lahayn iyo talooyinka ay soo jeediyeen khubarada ka kala timid gobolkan.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka ee dawladda Djibouti Cabdi Xirsi oo Saxaafadda uga warramay muhiimadda ujeeddada Shirkaas.

Waxaanu Agaasime Cabdi Xirsi oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo muhiim ah in aannu ka hadalno caqaabadaha ka haysta dalalka gobolka sharciyadda Ammaanka ee marinka Badaha oo xal loo wada raadinayo iyo habka ugu wanaagsan ee loo mari karo.”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here