Somaliland iyo Taiwan oo Ka Wadahadlay Arrimaha Labada Dal

0
2156

Taipei (Hargeisa Press) — Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa kulan balaadhan la qaatay madax ka tirsan dowladda Taiwan.

Waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta uu safiirku kulankaasi la qaatay Wasiirka wasaaradda Gaadiidka, Isgaadhsiinta iyo Dalxiiska H.E. Dr Lin Chia-Lung iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb Ali Yang.

Danjire Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Wasiirka ay si weyn uga wadahadaleen hawlo badan oo iskaashiga ganacsiga labada waddan khuseeya.

Waxaanu Xussay in kulankaasi uu kusoo dhammaaday guul iskaashi oo dhexmarta waddamada Taywaan iyo Somaliland.

kulanka ayaa waxa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Amb Ali Yang iyo saddexda Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Isgaadhsiinta iyo Dalxiiska u qaabilsan kaabayaasha dhaqaalaha, dalxiiska, gaadiidka iyo duulimaadyada ee dalka Taiwan.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan marba marka kasii dambaysa sii xoogaysanaya, kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee wada gaadheen.

Heshiiskaasi ayaana ahaa mid dhinacyo kala duwan ah, waxayna labada dal xafiisyo ka kala sameysteen labada caasimadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here