Somaliland iyo Taiwan oo Bilaabay Iskaashiga Beeraha

0
1857
Somaliland iyo Taiwan
Somaliland iyo Taiwan

Hargeisa (Hargeisa Press) — Dowladdaha Somaliland iyo Taiwan ayaa si rasmiya hashiis ugu wada gaadhay is kaashi la xidhiidha dhinac wax soo saarka gaar ahaan Beeraha.

Barnaamijka lagu horumarinayo wax soo saarka dalka ayaa socon doona muddo shan sanno ah waxaana heshiishka si wadajir qalinka ugu duugay Mr. Mars Shiue iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Dr. Axmed Cali Maax.

Heshiiskan ayaa daba socda heshiisyadii iskaashi ee hore ay u kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan, ayaa ku qotoma bilawga barnaamij lagu beerayo khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Liinta, Saytuunka, Tamaandhada, Basasha iyo khudaarta kale ee bulshada Somaliland uga timaada dalka Itoobiya.

Dowladda Tiawan ayaa Somaliland ka caawinaysa dhinaca qalabka wax soo saarka iyo dalagyadda, xukuumadda  Somaliland ayaa soo diyaarinaysa goobaha wax laga beerayo oo ah dhul leh biyo ku filan.

Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen ayaa hore u sheegtay  inay ka go’an tahay inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada iyo Wararka iyo wada-xidhiidhka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here