Somaliland iyo Mareykanka oo Yeelanaya Iskaashi Milateri

0
2481

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysay xeerka difaaca qaranka Mareykanka, oo Golaha Wakiilada Mareykanku wax ka badal ku sameeyeen si loo waafajiyo xidhiidh difaac oo dhexmara Somaliland iyo Mareykanka.

War-saxaafadeed ka soo baxday wasaarada arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay Somaliland soo dhaweynayso wax-ka-badalka xeerkan oo goluhu ansixiyeen Khamiistii.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa lagu yidhi, “Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku bogaadinaysaa Golaha Wakiilada Maraykanka meel-marinta Xeerka ogolaanaya in wasaarada arrimaha dibaddu samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixinta suurto-galnimada iskaashi dhinac amaanka ah oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland”.

Xeerka, ayaa suurta-galinaya inay Mareykanka iyo Somaliland ka wada shaqeeyaan saldhig Milateri oo xulafada reer Galbeedku ka samaystaan Berbera oo u fududaynaya hawl-gallada Milatari ee ay ka leeyihiin Geeska Afrika, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee mandaqadda, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo Ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Geesta kale, Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Bashiir Good, ayaa isna soo dhaweeyay ansixinta xeerkan, isaga oo golayaasha sharci dajinta Mareykanka ku booriyay in ay gacan ka gaystaan dhaqan galintiisa.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa qalka wakiilada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgalinta talaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibada iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi-baadhis wakhti ku qabsoonta oo horseeda horumarinta danaha la wadaago ee labadeena dimuquraadiyadood,” sidaas ayuu yidhi Safiirku.

Somaliland iyo Mareykanka, ayaa la filayaa in ay dhawaan kala saxeexdaan heshiis iskaashi oo salka ku haya dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga maadama la ansixiyey xeerkii suurto-galinayay heshiiska oo ku yimi booqashadii madaxweynaha Somaliland bishii March ee sannadkan kku tagay Washington.

Sikastaba, arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Bishii March ee sannadkan uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hogaaminayey ay booqasho ku tageen Washington, si uu ula kulmo xubno ka tirsan Congress-ka iyo saraakiil ka tirsan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hay’addo kale. Sidoo kale Bishii May, General Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyo Safiirka Mareykanka Larry Andr socdaal ku soo maray Dekedda Berbera iyo Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo dib loo casriyeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here