Somaliland: Guddiga Wanaag Farista Oo Ka Digay Qabashadda Bandhig Faneedyadda

0
737

Hargaysa (HP): Guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in gabdho cawradoodii muuqato lagu soo dhaweeyo magaalooyinka dalka.

Taasi oo ay culimaddu sheegeen in ay xad-gudub ku tahay, kana ka hor imanayso shareecadda diinta islaamka, isla markaana ay ka mid tahay waxyaabaha suuliya nimcooyinka ALLE ina siiyay.

Xubno ka mida guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ee magaaladda Hargaysa oo maanta xafiiskoodda warbaahinta kula hadlay ayaa tilmaamay in maadaama oo aynu dad islaam ah  in  wixii ILLAAHAY SWT inoo diiday haddii la sameeyo lagu halaag-samayo.

Guddoomiyaha guddiga wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dad wadamadda dibadda ka yimaadda oo Somaliland u yimaadda sidii nabdhig faneedyo ugu qaban lahaayeen.

Balse ay jiraan waxyaabo ay xumaantoodu muuqato oo ay sameeyaan fanaaniintu. Waxaanu yidhi, “Waxaa wax aad iyo aad wax loola yaabo ah, qof ILLAAHAY SWT macsiyadiisii iyo amar-diidadii ILLAAHAY ku jira, oo aynu garanayno, oo ILLAAHAY SWT danbiile ka ah, in aynu soo dhawayno, oo aynu u Sacabo-tunno.

Waxaa jira dad badan oo dalkeenan barwaaqaystay safar ku yimaadda, oo inoola yimaadda wax la yidhaahdo Shaw iyo wax la yidhaahdo bandhig-faneed. Arrimaha la qabanayo, qaarna xumaantoodu way muuqataa, qaarna ku danbaabi mayno”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Arrimaha ay xumaantoodu muuqato waxaa ka mida, marka Innan Caariyaat ah, oo qaawan, oo Timaheedi muuqdaan, oo jidhkeedu muuqdo, oo jidhkeedu aanu asturnayn. Marka inta aynu madaarka diyaaradaha ku soo dhawayno, aan u xafladaynayno. Arrintaasi caqliyan iyo cilmiyan midnaba sax ma aha.

Waxaan leenahay dalkani wuu barwaaqaysan yahay. Barwaaqadaa uu ku jiro iyo nabadgeliyadaa, xumaan ha keenina”ayuu yidhi Sheekh Muuse Jaamac.

Geesta kale Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in ay ka hor tagto dad uu ku tilmaamay in ay ku soo duuleen nimcadda dalka ka jirta.

“Dawlada-na waxaanu leenahay, weli waxaan u malaynayaa in aydaan ku baraarugin dadka noocaas ah. Waan ogahay xumaanta in ay dawladu ka hor tagto. Laakiin, waxaan leeyahay dadka nimcadeena ku soo duulaya, waa in aynu ka hor tagno”ayuu yidhi Sheekh Muuse Jaamac Cabdi.

Dhinaca kale Sheekha, ayaa fariin u diray mulkiileyaasha hudheeladda oo uu kula taliyay in ay qiimeeyaan waxyaabaha ay hudheeladoodda ku qabanayaan.

Waxaanu yidhi, “Dadka hudheeladda leh-na, waxaanu leenahay, nimco ayuu ILLAAHAY SWT idin siiyay, nimcadaa haddii aad ku shukridaan, ILLAAHAY wuu idiin siyaadinayaa, haddii kale ILLAAHAY SWT wuu idin kala noqon.

Hudheelkaaga nin walowba iyo Innan walaayba, wixii lagu qabanayo waa in aad qiimayso, oo haddii uu wanaag yahay, waa in aad soo dhawayso.

Haddii xumaan iyo macsi aad u aragta-na, waa in nimcadaa ILAAHAY ku siiyay aanad iska shaashaynin, ama aanad iska xumaynin”.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii u horaysay oo Somaliland laga joojiyo bandhig faneedyo ay Hargaysa ku qaban lahaayeen fanaaniin Soomaaliyeed oo intoodda badan ay ka yimaadeen wadamadda dibadda.

 

Hargaysa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here