Maxaa Ka Jira In Cali Khaliif Uu Samaynayo Maamul Goboleed Cusub?

0
619

Hargaysa (HP): Waxaa Somaliland maalmahan si weyn la is-kula dhex marayay warar sheegaya in Prof. Cali Khaliif uu samaynayo maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland oo la yidhaahdo Gollis state.

Iyadoo tuhunkaasi ay bauurtay maadaama oo mudooyinkan uu Cali Khaliif Galaydh, ku sugnaa magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, halkaasoo u jeedadda dhabta ah ee socdaalkiisa aan la ogayn.

Hase yeeshee, waxaa jiritaanka arrintaas ka halday guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu sheegay Faysal Cali Waraabe, in aanay waxba ka jirin wararkaasi, isla markaana arrintii heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland uu dhawaan dhamaanayo.

Eng. Faysal ayaa cadeeyay in isla munaasibadda uu hadalka ka jeedinayay uu joogay Prof. Cali Khaliif, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu maamul goboleed samaynayo.

Waxaanu yidhi,  “Cali Khaliif, waakan. maanta wuu nala joogaa. Qaar baa lahaa, wuxuu samaynayay Gollis state. Gollis state Somaliland ka samaysmi mayso.

Nimanka Addis Ababa meeraysanaya, ee moodaya in ay Somaliland jar-jari karaan, waxaan leenahay adeerayaal wakhti ha iska lumininna. Somaliland waa Waslad keliya, lamana kala jar-jari karo Somaliland”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Wixii fikraddaa keenaa, wuxuu inaga dhex abuurayaa dagaal sokeeye, ilayn wax suurto gal ah maahee. Dalka waa la wada degan yahay, Sool iyo Sanaag, waa la wada degan yahay, dalka waa la wada leeyahay.

Waanan hagaajisanaynaa. Laakiin, waa in aanay caruur yar yar kolba Gaalladda u tegaysa, oo leh Somaliland saddex gobol halaga dhigo. Somaliland waah al dawlad, sidaas ayaanay ahaanaysaa weligeed”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Geesta kale Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in heshiiskii u dhexeeyay dawladda Somaliland iyo maamulkii Khaatumo oo ka koobnaa 22 qodob uu filayo in uu dhawaan madaxweyne Biixi ogolaado.

Isagoo xusay in haddii madaxweynuhu uu diiddo heshiiskaasi ay taasi keeni doonto in isagana madaxweynenimadiisa la diido.

Eng. Faysal, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Cali Khaliif, in badan wuu ina dul taagnaa. Arrintiisu way dhamaatay.

Wuxuun bay u baahan tahay in madaxweynuhu uu isagu-na nala qaato. 22 qodob ayaanu ku heshiinay. 7 nin ayaanu kula heshiinay, oo 5 ka mid ahaa ay dawladda ku jireen berigaa, iyo aniga iyo Cawil.

Haddii uu madaxweynuhu diiddo 5 qof, oo la xuquuq ah, taladii ay soo jeediyeen? isaga-na markaa waa la diidayaa”.

Dhinaca kale ayaa  Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo ku tilmaamay mid aad u halis ah. Taasoo uu ku eedeeyay madaxweyne Biixi in uu masuul ka yahay madaxweynuhu.

 

Hargaysa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY