Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Lagu Ansixiyay Xeerar Muhiimad ah

0
532

Hargaysa (HP): Golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta lagu ansixiyay laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka.

Sidoo kale waxay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyay golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkaasi.

Shirka golaha wasiirrada Somaliland ee todobaadlaha ah ee maanta waxaa shir-guddoominayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Iyadoo isla fadhiga maanta wasiirrada loogu qaybiyay nuqulladda qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda iyo nuqullo ka mid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday lagu-na ansixiyay xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka.

Iyada oo xeerar kale-na lagu qaybiyay fadhigii golaha wasiirrada ee maanta.

Fadhigii golaha wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyay laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka”.

Waxaanu war-saxaafadeedku intaas ku daray, “Sidoo kale waxa golaha wasiirrada loo qaybiyay nuqulladda qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu.

Iyadoo nuqullo ka mid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga loo qaybiyay golaha wasiirrada”.

Ugu dambayntii waxay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyay golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here