Shirkadda Telesom Oo Daah-furtay Mashruuc Lagu Bad Baadinayo Deegaanka

0
851

Hargaysa (HP): Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa maanta daah-furtay mashruuc qayb ka ah bad-baadinta deegaanka.
Mashruucaasi oo ay maalgelinayso shirkadda Telesom ayaa loogu tallo galay in ay ka faa’iidaystaan 2500 oo qof.


Kaasoo looga dan leeyahay sidii loo bad baadin lahaa deegaanka.
Waxaana mashruucani fulinaysa shirkadda SOM GAS oo qayb ka ah shirkadda Telesom Group.


Waxaanu qorshuhu yahay in magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland laga qaybiyo Haamaha Gaasta cuntadda lagu karsado ah.


Iyadoo lagu sameeyay qiimo dhimis ah 70% oo ay ku kaabtay Telesom Group.
Shirkadda Som Gass ayaa noqonaysa shirkadda haysata kaydka ugu weyn ee dhinaca Haamaha gaasta dalalka Barriga Afrika oo dhan.
Marka laga reebo Mambaasa, oo ku taalla xeebta dalka Kenya.


Shirkadda Telesom iyadoo ka duulaysa masuuliyadda ka saaran bad baadinta deegaanka waxay ikhtiraacday barnaamijkan lagu bad baadinayo deegaanka.


Sida uu sheegay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Yaasiin Nuur Mooge.

Daawo: Daah Furka Barnaamijkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY