Somaliland: Dhalinyaro Budhcad Ah Oo Iskugu Jirta Rag Iyo Dumar Oo Xaafadaha Magaalada Hargeysa Qaarkood Ka Bilaabay Falal Budhcadnimo Iyo Ciidamada Booliska Oo Ku Daba Jira Soo Qabashadooda.

0
934
Qaar ka mida Ciidanka booliska Somaliland Photo File

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa habeenadii u danbeeyey magaalada hargeysa lagu arkayay falal aan hore loo arkin oo ay ku kacayaan dhalinyaro budhcad ah oo hubaysan isla markaana iskugu jira rag iyo dumar kuwaasi oo xaafadaha qarkood ku baadhanaya dadka.

 

Dhalinyaradan ayaa waxay ku hubaysan yihiin faashash iyo mindiyo,waxaana ay sida naloo sheegay ay dhalinyaradii yihiin ilaa 7-8 dhalinyaro ah oo ay ku jiraan hablo,waxaana dhalinyaradani ay dadka ka qadayaan waxa uu qofkaasi sito, sid mobile-da,loptons-ka iyo waliba waxii kale ee uu qofku markaasi wato.

 

Axmed Ismaaciil Yuusuf oo ah wiil dhalinyaro ah isla markaana dhigta jaamacada Golis oo ay dhalinyaradani qabteen isla markaaana ay baadheen ayaa noo sheegay qaabka ay dhalinyaradani u baadhanayaan dadka, isaga oo xusay inay ka qaadeen lopton uu watay markaasi. Isaga oo arimahaasi iiga waramaya ayaa waxa uu yidhi.

 

“Walaal waxa hada soo baxay fal aanan waligay arkin,horta hargeysa waan ku dhashay kuna soo barbaray waxaan daganay qudhac-dheer xaafada la yidhaa,xalay ayaa anoo markaa aniga iyo inan kale suuqa kasoo rawaxnay oo ay tahay ilaa 8:40 meelahaas ayaa markii inankii ila socday iga hadhay luuq aan marayay oo xaafada u dhaawaa ayaa waxa igaga soo baxay 3 hablood,kadib markay I agmarayeen ayay hadalo igu soo tureen lamaan hadale waan iska dhaafay markii aan dhaafay ayaa waxxa labada gacmood laba dibble ii qabtay 4 nin,kadib waxay igala dageen loptonkii oo aan garabka ku sitay walibana gabadh ayaa iga dajisay,kadib waxay igu yidhahdeen bax oo iska soco intay faash ay siteen dhabarka igaga dhufteen,walaal hadana meel alale meel aan u raco ma garanayo way yaaceen iyaguna,walibana meeshaa ay falkaasi ka dhacay saldhig ayaa u dhaw xoggaa yar ayuu u jiraaa cid wax ka qabataana ma jirto”Sidaas ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Yuusuf.

 

Ciidamada booliska somalilnd ayaa iyagu habeenadii u danbeeyeyba wada hawl galo ay kusoo qabqabanayan dhalinyarada koox kooxda u socota iyo waliba dhalinyarta iyagu sida qaabka daran u xiirta timaha kuwaasi oo ay ciidamadu timaha ka xiirayeen,balse arinkan ayaa ah mid hadal hayntiisu badatay isla markaana waxay bulshada caasimada ku abuurtay baqdin badan,waxaana la yaaban yahay dhalinyaradan ka kooban raga iyo hablaha ee qaabka budhcadnimada leh dadka u badhanaya.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here