Somaliland: Booliska Oo Ka Hadlay Murashaxiin La Xidhay

0
866

Hargaysa (Hargeisa Press): Taliska guud ee ciidamadda booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhig maalmihii u danbeeyay lagula kacay xubno ka mida murashaxiinta doorashooyinka ee xisbiyadda mucaaradka ah.

Boolisku waxay sheegeen in 40-kii cisho ee ina dhaafay ay soo gaadheen  eedo badan oo ku saabsan murashaxiinta, taasoo ahayd  Shahaadooyinka ay sitaan oo Foojari ah iyo waxyaabo kale.

Waxaanay boolisku xeer ilaalinta iyo maxakamadaha dalka hor geeyeen cadaymo ku filan oo la xidhiidha dambiyadaasi dhacay, kuwaasoo gar-naqsigoodu dhammaad ku dhawyahay oo uu maxkamadaha ka socdo qaybna imika bilow yahay.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war maanta ka soo baxay ciidanka booliska Somaliland, waxaanu dhignaa sidan:

“Ciidamadda Booliska Somaliland Waxay bulshadda u cadaynayaan, waxyaabaha ka soo baxay tartamayaasha doorashada qaarkood ee dunuubta iyo eedaha ah.

Waxaa imika 40-kii cisho ee ina dhaafay booliska soo gaadhay eedo badan oo ku saabsan murashaxiinta, taas oo arrintuna ahayd Shahaadooyinka ay sitaan oo Foojari ah iyo waxyaabo kale, Taas oo boolisku markii uu baadhay u cadaatay in denbiyo dhaceen Foojirina ay sameeyeen sida ku cad qodobada 371, 373 iyo 375 ee Xeerka ciqaabta guud.

Boolisku waxay xeer ilaalinta iyo maxakamadaha dalka hor geeyeen cadaymo ku filan in dambigaa kor ku xusani dhacay, taas oo qayb ka mida ah garnaqsighoodu dhammaad ku dhawyahay oo uu maxkamadaha ka socdo qaybna imika bilow yahay , kuwaasoo uu  ka mid yahay  Murashax la yidhaa Qaasim Cali Odawaa,  oo sedexdii cisho ee u dambeeyay ku xidhan saldhiga dhexe Ee Magaalada Hargeysa, maxkamada iyo xeer ilaalinta waxaanu hor gayn donaa cadaymo ku filan.

Dhamaantoodna waxaanu muwaadiniinta kor ku xusan xadhigooga u marnay sifo sharciya oo waaran maxkamadeed ah. Waxaana wanagasanayad cida leh khalad ayaa loo xidhay in ay sugaan nataajida maxkamada ama ay ka qayb galaan dhagaysiga garnaqsiga maxkamada.

Waxa kale oo jira haweenay la yidhaa Khadra Xasan Maxamuud oo xisbiga waddani uga sharaxan gobalka Togdheer iyo Canaba Cabdi Aw Xirsi oo iyana xisbiga UCID uga sharaxan gobalka Sool, kuwaas oo aanu u hayno waaran maxakamadeed.

Waxaanu ku adkaynaynaa in ay haayaddaha amniga u tagaan oo ay is baraxaan hadii ay u taagai wayaana sifo sharciga waafaqsan ayuu Boolisku  u soo qabandoonaa, waxa kaloo jira kuwa kale oo iyaguna eedaysanayaal ah oo baadhitaan lagu wado.

Ugu dambayn warkan ka soo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland waxa lagu sheegay in cid kasta oo la eedeeyo ama dambi ku dhacda baadhis ka dib taytalka ay doonto ha lahatee boolisku sifo sharciya ayay u mari donaan, wayna soo qaban doonaan xeer-ilaalinta iyo maxakmada awood u lehna ayay hor gayn donaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here