Socdaalka Madaxweyne Biixi Ee Tog-Wajaale Ogaanshihiisa Shacabka iyo Nuxurka Ujeedadiisa

0
973

Hargeysa, (HargeisaPress) — Inkastoo aanu jirin habayaraatee, War kasoo baxey Dhinaca Xukuumada oo la Xidhiidha Socdaalka Maanta oo Jimce ah Lagu Sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku gaadhayo Magaalada Tog-Wajaale ee Xuduuda u ah labada Dhinac Somaliland iyo Itoobiya haddana, Ma Yareyn hadalheynta iyo Faalada Guud ahaanba Bulshada Somaliland ku Faaqidey ee ku Sahabasan ujeedada Nuxurka Socdaalka Madaxweynuhu Daaran yahey oo uu Kula Kulmayo Madxweynaha Dawllad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Musatafe-Cagjar) taas oo Siweyn loogu baahiyay Barkulanka Bulshada ee Facebook islamarkaana, dhalisey Su,aalaha faraha badan ee Ku Foorara Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadiisa, gaar ahaana Aragtiyahooda Muuqaalka uu Yeelanayo Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Dawllad Deegaanku.

Socdaalkani ma aha mid Qarsoon, oo Sir ah Sawirka uu doono ha lahaadee Waxa Bulshada inteeda badani ka ogaatey dhaqdhaqaaqa iyo u Diyaargarawga Maamulka Degmada Gabiley iyo Ka Magaalada Tog-Wajaale iyo Fariimaha Abaabulka ah ee Dhinaca Madaxtooyadda iyadoo Sitoos ah loo Soo bandhigay Sawirada lagu Xardhey Guriga Martida ee Tog-Wajaale oo Gidaaradiisa Wajahaa hore lagu Buufiyay Labada Sawir ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Mustafe Cagjar Muujiyay, Sidoo kalena Maamulka Tog-Wajaale ayaan fadhiisan labadii habeen u Dambeeyay iyagoo u kadleeyay Labada Daamoodba si ay Gogol Dheeraad ah u Geeyaan Goobtaasi lagu Sheegay Kulanka Labada Madaxweyne.

Hadeynu usoo Noqono Fariimaha Aragtida ah ee Shacabla Somaliland ka bixiyeen Guud ahaanba Kulankan, Waxa hordhac u ah in Talaabadani dan kasta oo Kujirta ay hoos u dhac ku Tahey Halkii ay Somaliland u taagneyd Dalweynaha Itoobiya, hadii taa laga Gudbana sida dad badani Qabaan ay ka Qurux badnaan laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here