Sidee Lagu Soo Afjaray Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Madaxweynaha?

0
1115

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan oo maalin kahor soo saaray warqad uu ku sheegayo in uu buray hindisihii xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in 14 xildhibaan oo lagu xusay liiska xildhibannada gudbiyay mooshinka ay dacwoodeen, balse arrintaasi aysan ku lug laheyn mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale war saxafadeedka ku sheegay in wali aysan dhisneyn maxkamaddii dastuurka ee dhageysan laheyd eedeeymaha loo soo jeediyo madaxweynaha, si ay u xoojiso in eedeymaha leeyhiin sal sharciyeed, waxaana uu intaas raaciyay in maxkamadda sare aysan isku beddeli karin maxkamad dastuuri ah.

Af hayeenka baarlamaanka ayaa intaas ku daray inay la haboontahay in wadaahadal lagu dhameeyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Maxamed Mursal ayaa waxaa kale oo uu war saxaafadeedka ku xusay in kulamo wadaxaajood ah uu la yeeshay xildhibaanada soo jeediyay mooshinka, iyagoo tixgelinaya xaaladda uu dalka ku suganyahay iyo in la xoojiyo xasiloonida siyaasadeed.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha lagu heshiiyay, BBC-da na ay isku dayday in arrimahan ay wax ka weydiiso guddoomiyaha golaha shacbka, ayaa haddana waxaan inoo suurta galin in guddoomiyaha aan wax ka weydiinno sababta uu u eegi waayay arrimo ay kamid yihiin jiritaanka maxkamadda dastuurka, xaqiijinta xildhibaanada soo gudbiyay mooshinka iyo xaaladda siyaasadeed ee uu dalka ku jiro kahor inta aanan la qabanin mooshinka.

Hasa yeshee dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in hoos loo wada hadlay.

”Waxaa muuqata in hoos loo wada hadlay oo uu dhacay wada-xaajood siyaasadeed oo ay kamid ahaan karto in xurmadii uu lahaa guddomiyaha la soo celin doono dhanka kasta, marka la fiiriyo xaaladda uu dalka ku jira na wax kasta oo lagu heshiiyay ba waxaad moodaa inay muhiim tahay in indhaha laga qabsado”.Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Barfasoor Ibraahim Bursalid.

Xildhibaano tiradooda lagu sheegay 92 ayaa 10-kii bishan Disembar guddoonka golaha shacabka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxmed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ay ku eedeeyeen inuu jabiyay sharciyada dalka u yaalla.

Go’aan ka gaarista iyo qabashada mooshinka ayaa dhalisay buuq badan, iyadoo na ay ku kala qeybsameen guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here