Siyaasiyiinta Koonfurtu Hargeysi Miisaan Ma U Yeeli Karaan Xisbiga Waddani; Maxaa Faa’ido U Ah Waddani, Maxaa Se Khasaare Ah?

0
1322
Mohamed Hagi Mohamoud

Shaley waxa aan faaqiday tamarta ay ku biirrin karaan is-bahaysigu Waddani. Sida aan uga hadlay waxa bar bilow u ahaa taariikhdooda, xilliga kala guurka, wacdiga ololaha ay sameyn karaan iyo xisaabta siyaasadda ee dhabarraysa.

 

Ahmiyadda ugu weyn waxa aan siiyey hal shakhsi oo isagu watay farsamo siyaasaddeedka haggaysay ujeedada Waddani wakhtiga kan loo tagey. Waxa kale oo aan faaqiddaadaa ku cabbiray ifafaalaha huggunku shaaciyey, iyo kala duwannaanshiyaha xaqiiqda xilliga ololaha iman doonta.

 

Faaqiddaada maantu se waa mid ka duwan tii shaley, waayo waxa kala duwan taariikhda labada garab, siyaasadda labada garab, hammiga labada garab iyo farsamooyinka labada garab oo dhaqan iyo dhulkuba kala badhax saarrayo.

 

Aan ku bilaabo faaqidaadda siyaasiyiinta eh, waa kuwa ma siyaasiyiinta Koonfurta Hargeysa ee ku soo biirray Waddani? Jawaabtu waa in ay yihiin siyaasiyiin aqoon siyaasaddeed, mid farsamo iyo mid dhaqan oo xoog badan wata.

 

Waxa ay iskugu jiraan siyaasiyiin ruug caddaa ah sida Buubaa, Cabdiraxmaan Taarwale iyo Cali Sanyare, iyo kuwa xooggan oo saameyn badan leh sidoo kalena ah rag firfircoon oo hal abuur siyaasi ah oo weyn leh sida; Aadan Dhoolla-yare, Maxamed Baaruud iyo kuwa kale oo aqoonyahan u badan sida Dr. Qase, Eng. Gaydh iyo Eng. Miishaar.

 

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahan kani su’aasha ah miisaan ma ku biirrin karaan Waddani waxa ay leedahay hal jawaab oo ah HAA, wax badan ayey ku biirrin karaan, waaney ka mug iyo miisaan culus yihiin is-bahaysiga 90%.

 

Waxa ay ka turjumayaan deegaan balaadhan oo wata cod iyo cudud u gaar ah, oo ay mug weyn ka keeni karaan haddii ay ka ololeeyaan wakhtiga doorashada.

 

Waxa se jirta oo aan indhaha laga qarsan karin in dad badani qabo in ay wax-yeelo ku tahay xibiga Waddani in uu soo dhaweeyo Dr. Ismaaciil Buubaa oo gooni-isu-taagga Somaliland dagaal kala hor yimi 1994. Laakiin ay ahayd in ragga kale oo aannu Buubaa la socon Waddani ku soo biirraan, taasina ay wax weyn tari lahayd xisbiga.

 

Sidaas oo ay tahay dhan kale marka laga eego, iyana waa in uu ku soo kordhin karo taageero marka la fiirsho xirfaddiisa siyaasaddeed iyo awoodda waayo-aragnimo ee uu leeyahay.

 

Dr. Ismaaciil Buubaa waa siyaasi weyn oo noqon kara microphone cod baahsan leh, oo uu Waddani kaga doobyi karo deegaannada Salaxlay iyo Koonfurta Hargeysa.

 

Haddii dhankaasi yahay faa’ido waxa iyana u baahan in la is waydiiyo khasaare ma keeni karaa? HAA oo waxa jira dad badan oo kale oo aan deegaannada Cirro iyo Buubaa midna ka soo jeedin, oo shaki Soomaali-Weyn ahi gali karo. Taa se xaqiiqadeedu waa mid aad u liidata oo aan lahayn cabbir qiyaaseed miisaaman oo lagu tix-galiyo.

 

Dhinacyadaa kuwa aan ahayn ma laga istaagi karaa ayey su’aashu tahay? Waxa aan qabaa HAA, oo ku biirristooda Waddani, waxa ay xisbiga ku keeni kartaa xagal daac siyaasi ah oo dhan kale bulshada balaadhan ee Reer Somaliland ay si fudud ugu turjuman karto!

 

Siyaasiyiintani isku deegaanka ahi waxa wada jirkoodu u muuqan karaa in ay qabiil-miiseen oo ay abtirsiin ku hiilliyeen. Sawirka noocaas ahi waxa uu keeni karaa in uu mideeyo dhanka kale oo ay Berbera, qaybo gobolka Togdheer iyo Hargeysa ahi (Ciise Muuse) xoojiyaan siyaasadda Kulmiye iyaga oo ay hiil ka tahay.

 

Waxa kale oo ay siyaasadda tan khasaare weyn u arki doona xisbiga Ucid oo haddii Faysal murashax ka noqdo, raba in Gobolka Sool murashax Madaxweyne-Xigeen u cugto. Sool oo si fiican la isaga diiwaan galiyey sannadkan waxa ay u loogi kartaa Ucid siyaasad cusub.

 

Taas oo ah in uu Faysal deegaankiisa hor-geeyo, isaga oo kula garnaqsanaya murashax Reer Sool ah oo wata in ka badan 100,000 oo cod. Arrinta tani waxa ay itijaaha ka beddeli kartaa fikirkii hore ee ahaa in siyaasadda deegaanku Cirro xigtaysato.

 

Si kastaba ha noqoto eh, waxa hubaal ah in aaney siyaasaddu meel kaliya jooggi karin muddo kooban, ee ay tahay aragti is bedbeddal badan oo dan iyo masaalax gaar ah ku shaqaysa goor iyo ayaan.

 

Miisaanka culus ee siyaasiyiinta Koonfurta Hargeysa oo u muuqda haddii aaney sidaa wax isku beddelin kuwa midho dhal badan leh, ayaan haddana laga filli-karin kaliya in ay guushu si tabarucaad ah ugu adeegto.

 

Waxa kale oo xusid mudan in xisbiga Waddani ay naf cusubbi soo gashay, oo aannu ahayn kii hore, qof wal oo sidaa ku tashada oo Waddani u qaata in uu yahay kii hore ee liicsanaa waa qof aan lahayn faham siyaasi ah oo balaadhan.

 

Sidoo kale qof wal oo u qaata in uu Waddani sida tan ku guuleystay, waa qof aan fahmin fursaddaha xaggal daaca ah ee ay siyaasaddu leedahay. Waxa muuqata se in hadba sida orodka loo kala bilaabo guusha loo kala arki og yahay.

 

Su’aashu se waxa ay tahay wali orodkii siyaasaddu ma bilaabmay? waxa aan odhan lahaa Maya wali orodkii siyaasaddu ma bilaabmin se waxa hadda uun bilow ah hinqashadii hore ee tartanka.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here