Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo Ku Dhawaaqaya Urur Siyaasadeed Cusub

0
1623

Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa illowareedyo xogogaal ahi sheegayaan inuu iska baxayo xisbiga Kulmiye oo uu mudodheer ka tirsanaa.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa ka bixitaankiisa xisbiga Kulmiye lagu sheegay in ay tahay furitaanka urur siyaasadeed cusub oo la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo.

Maxamuud Xaashi, oo muddo dheer siyaasadda ku soo jiray, ayaa waxaa uu soo noqday maayirkii Burco, xildhibaan Wakiillada ka tirsan iyo wasiir uu soo ahaa muddo 7 sannadood ah.

Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ahaa siyaasi mudo dheer ka tirsanaa Xisbiga muxaafadka ah ee talada Somaliland haya ee KULMIYE, isla markaana ka mid ahaa aasaasayaashii Axmed Siilaanyo la bud-dhigay yagleelida xisbiga Kulmiye, sidoo kalena ahaa masakaxdii ka danbaysay markii uu guuulaysatay doorashadii Madaxtooyadda ee 2010.

Siyaasi Maxamuud Xaashi oo doorashadii 2017, ee Madaxweyne Muuse Biixi ku hantay kursiga kaddib loollan adag oo dhexmaray Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxaa lagu tilmaamay xilligaa Maxamuud Xaashi siyaasigii sababta u ahaa guusha Madaxweyne Biixi ku hantay kursiga hoggaaminta dalka.

Hase yeeshee doorashada gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland ka qabsoontay 31 May 2021, waxa xisbiga Kulmiye soo waajahay raadad guuldaro oo dhaliyay su’aalo iyo doodo, iyadoo Siyaasi Maxamuud Xaashi garab taagnaa axsaabta mucaaradka kaddib markii ay Madaxweyne Biixi si weyn isugu maandhaafeen siyaasada, iyadoona ay soo baxeen warar sheegayay inuu ka baxay xisbiga, wallow uu munaasibad xisbiga Kulmiye qabsaday ku shaaciyay inaanu ka bixin xisbiga oo aasaaskii bud-dhigiisa doorka weyn ku lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here