Solja oo Ka Hadashay Xayiraada Ay Xukuumadu Saartay Telefiishanka Horn Cable

0
800

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si adag uga hadley xayiraada ay Xukuumada Somaliland saartay Telefiishanka Horn Cable xidhiga Tifaftirihii telefishankaas.

Sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabkada Hargeisa Press, oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.

War-saxaafadeedka ururka SOLJA ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka SOLJA maadaama oo ay shaqadiisu tahay difaaca, horumarinta Saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka, inuu talaabadaasi u arko talaabo qaldan oo ka timaada xukuumadda inay dhaawacayso jiritaanka, Sumcada iyo deganaanshaha bulshada reer Somaliland, sidaas daraadeed loo baahan yahay in laga foojignaado,” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka SOLJA. 

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY