Siyaasi Mustafe Shiine oo Cambaareeyay Xadhiga Ay Xukuumadu Kula Kacday Talefishanka Horyaal iyo Gudomiyiihiisii

0
614

Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi Jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa si adag u cambaareeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday Telefiishanka Horyaal iyo Gudoomiyihiisii.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in aanay haboonayn in maalin walba Somaliland loo eekaysiiyo dhul aanu sharcigu ka shaqayn oo ay in koobani waxa aay dhibsato ay sharci tahay, Isagagoona sheegay in ay haboontahay in sharci loo maro xadhiga Saxaafada oo aan la amrin Taliye Boolis.

Siyaasi Mustafe Shiine ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi looga fadhiyo sharcigii uu lahaa wuu shaqaynaa ee uu ku ololeynayay markii uu tartanka ugu jiray kursiga Madaxweynenimada.

Mustafe Shiine ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bogiisa Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press, Waxaanu u dhignaa sidan:-

“Ma haboona maalin walba in Somaliland loo ekaysiiyo dhul aanu sharcigu ka shaqayn ee in koobani waxa ay dhibsatona ay sharci daro tahay waxa ay doontana uu sharci yahay.

Inta kooban oo ah inta marba xilka haysaa hadaanay kala saarin sareyntooda iyo saraynta sharciga waxa dalkani uu noqon doonaa mid ka faraxasha sumcadii yarayd ee ilaa 1991kii uu dalkani ku kasbanaayay madaxbanaanida saxaafada iyo dhawrida xorriyadda hadalka.

Saxaafadu waa ay geli kartaa gef, haseyeeshee waxa loo baahan yahay in sharciga loo maro oo aan la amrin Taliye boolis oo aanu isaguna ku habsan xarun warbaahineed ee waa in sharciga ka garnaqidiisu horeysaa.

Madaxeeynaha waxaanu lee nahay mee sharcigii sareynaayay?.

 

Hargeisa Press.com/Hargeysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here