Qaybo Ka Mida Xarunta Shirkadda Korantada Laascaanood oo La Baabiiyey

0
553

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland ayaa qaybo ka mid ah dhismaha Shirkada Korantada Solpawer ee magaalada Laascaanood baabiiyey, kadib markii waddo weyn ay ku beegantay badhtamaha wersheda ayna dhamaatay mudo loo qabtay.

Dadaal badan oo ay sameeyeen hantiilayaasha Shirkada Solpawer oo ay ku doonayeen in wadada lagu joojiyo afaafka dhismaha ayaa la sheegay in uu noqday mid aan shaqayn.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud C/rashiid Ducaale Qambi ayaa saxaafada u sheegay in aanay jirin wax tanaasul ah oo shirkada loo sameeyey, waxaanu intaas ku daray in wakhti dheeraad ah ay siiyeen maadaama ay ku filaan weydey mudo hore loogu qabtay.

Shirkadan oo ah ta keliya ee Korantada siisa magaalada Laascaanood ayaa qalabka qoraxda dabka ka dhaliya ku rakibay dhul balaadhan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada.

Dadweyne badan ayaa saaka tegey goobta shirkada iyagoo filayey in jidka si toos ah loo dhex mariyo dhismaha shirkada balse waxaa la jebiyey labada derbi ee isku quman iyadoo badhtanka aan la waxba laga qaban, taas oo dadbadan ay ku fasirayaan filim lagu dejinayo dadka wadooyinku saameeyeen oo foodsaaro ka dhiganayey shirkada.

Si kastaba ha ahaatee aragtiyo kala duwan ayaa ka soo burqanaya bulshada Laascaanood oo ku wajahan Hagaajinta daafaha iyo badhtamaha magaalada Laascaanood.

 

Hargeisa Press.com/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here