Ceel-Afweyn: Shaqaale U Shaqaynayay Hay’adda Care International oo La Afduubay

0
777

Ceel-Afweyn (Hargeisa Press.com): Koox dabley hubaysan ah ayaa xalay baabuur iyo dadkii saarnaaba ka afduubtay degaanka loo yaqaano Bohol oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dadka la qafaashay ayaa la sheegay in ay u shaqaynayeen hay’adda caaliga ah ee Care International, iyadoo baabuurka iyo dadkii saarnaaba ay dableydu kaxaysatay.

Waxaanay wararku sheegayaan in kooxdan dableyda ah ee afduubka gaystay ay ka soo jeedaan beel ka mida beelaha colaadu u dhaxayso ee degmadda Ceel-Afweyn.

Maayarka degmadda Ceel-Afweyn ayaa la sheegay in uu isla xalayba ka hawl galay sidii dableydaasi looga soo dhicin lahaa dadka iyo baabuurkaba, hase yeeshee isku daygaasi ayaan lagu guulaysan.

Maadaama oo sida la sheegay kooxdan dableyda ah baabuurka iyo dadka ay qafaasheen ay la galeen dhul buuraley ah oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Degaamo badan oo ka tirsan Ceel-Afweyn ayaan si fudud loo geli karin, qabaa’ilka colaadu u dhaxayso oo laga cabsi qaba awgeed.

Geesta kale Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland iyo maamulka gobolka Sanaag oo la xidhiidha dadka iyo baabuurka ay kooxdan dableyda ah afduubteen.

Sidoo kale waxaan si cad loo ogayn xaaladda dadkii la qafaashay ee u shaqaynayay hay’adda Care iyo goobta ay ku haystaan dableydu iyo tiradda dadka saarnaa baabuurkaasi iyo magacyadoodda toona.

Waxa kaloo aan weli ka hadal dhacdadani hay’adda Care International oo la sheegay in dadkaasi ay u shaqaynayeen, isla markaana  baabuurka la qafaashay u kiraysnaa.

Dhinaca kale warar hoose ay Hargeisa Press heshay ayaa noo xaqiijiyay in sababta ay dableydau u afduubteen baabuurka ay tahay kadib markii ay ogaadeen in gaadhigaasi oo u kiraysan hay’adda Care ay leedahay beesha ay colaadu ka dhaxayso.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here