Sixir Barar Ka Taagan Magaalada Hargeysa+Shaahii La Cabayay Oo Qaaliyoobay+Qadarka Lacaga Ee La Siinayo Shaaha Iyo Mooganaanta Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo

0
746
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa magaalada hargeysa labadii casho ee u danbeeyey ka taagnaa sixir barar xoogan oo saameeyey dhamaan maceeshamii la kala iibsanayay,waxaana maqaaxiyaha lagu shaaheeyo ee ku yaala magaalada hargeysa ay shalay subax ilaa saaka koobka shaaha ee la cabayo siinayeen 1500 oo Shilling Somaliland (Kun Iyo Shanboqol Oo shillin Somaliland ah),halka uu markii uu ahaa koobka shaahi 1000 Shilling oo Somaliland.

 

Sidoo kale waxa iyaduna qaaliyoobay dhamaan maceeshadii hoose ee la kala iibsanayay iyada oo mid kasteba sixirkii ay taagnayd wax lagu daray,waxaanay arinkani saamaysay dhamaan bulshadii ku dhaqnayd magaalada hargeysa gaar ahaana dadka dan yarta ah ee ku dhaqan magaalada.

 

Maqaaxiyaha dadku isku yimaadaan ee lagu sheekaysto ayaa ilaa shalay badankoodu ahaayeen kuwo haawanaya oo inyar oo dadi ay fadhiyeen,waxaana bulshada magaaladu ay is waydiinayaan sababta dhalisay sicir bararkan korna u qaaday maceeshadii la kala ibsanayay madaama aan wax korodh ah ku imaan qiimihii sonkorta oo ay halkeedii taagan tahay.

 

Xukuumadda Somaliland gaar ahana wasaarada ganacsiga Somaliland ayaan iyadu war ka hayn talaabo-na ka qaadin sixir bararka magaalada ka taagan ee saameeyey bulshada ku dhaqan magaalada hargeysa gaar ahaana dadkii dan yarta ahaa oo aan iyagu awood u haysan inay sixirkaasi wax ku iibsadaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here