Sirdoonka Somaliland oo Qabtay Koox Lagu Tuhunsan Yahay Argagixiso

0
1040

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda sirdoonka qaranka ee Somaliland National Intelligence Agency (NIA), ayaa shaacisay in ay qabteen kooxo looga shakiyay in ay yihiin argagixiso.

Kooxahan oo la sheegay in laga qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ka kooban toban Nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal ay hay’adda Sirdoonka qaranka Somaliland maanta ku faafisay barteeda Internet-ka ee X- ee hore loo odhan jiray Twitter.

“Raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko,” ayaa lagu yidhi warbixinta haayadda Sirdoonka Somaliland ee loo soo gaabiyo magaceeda NIA.

Ma jiro war faah-faahsan oo ay haayadda sirdoonku ka bixisay in Raggani xiliga la qabtay ay Gacmaha kuka jireen ama maleegayeen falal argagixiso.

Hase yeeshee waxaa warkaasi kooban ee qoraalka ah lagu sheegag in xubnahan oo dhamaantoodba ajaanib ah in looga shakiyay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisadda.

Geesta kale Raggan ayaa sawiradoodda lagu baahiyay baraha xidhiidhka bukshadda Internet-ka ee warbaahinta dawladda Somaliland, iyo kuwa haayadda sirdoonka.

Dhinaca kale waa markii u horaysay ee ay hay’adda sirdoonka qaranka Somaliland bulshadda la wadaagto in ay qabteen xubno lagu eedaynayo argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here