Safiirka Somaliland U Fadhiya Jabuuti oo Qaabilay Agaasimaha W. Ciyaaraha Somaliland

0
595

Djibouti (Hargeisa Press)- Safiirka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti C/fataax Siciid Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti.

kulanka oo ka qabsoomay safaarada Somaliland ay ku leedahay dalka Djibouti, waxaa safiirka, iyo agaasimaha guud ku wehelinayay safiir ku-xigeenka JSL u fadhiya Jabuuti Cabdilaahi Sheekh Maxamuud.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti, C/fataax Siciid Axmed, ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha ku soo dhaweeyay safaaradda.

Waxaanu danjire C/fataax, agaasimaha warbixin ka siiyay hawlaha shaqo ee ay safaaradu qaranka u hayso, iyo hanaanka ay u shaqayso, iyo sidoo kale qaybaha ay ka kooban tahay.

Geesta kale Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, ayaa isna uga mahad celiyay safiirka sida wanaagsan ee uu u qaabilay.

Sidoo kale, agaasimaha wasaaradda Ciyaaraha ayaa danjire C/fataax Siciid Axmed, ku amaanay sidii muga lahayd ee ay ula shaqeeyeen mudadii sideeda cisho ahayd ee uu ku sugnaa dalka Djibouti.

C/rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa safiirka iyo hawl wadeenadda safaaradda ku amaanay sida miisaanka leh ee ay diplomasiyada Somaliland hirgelinteedda ugu addeegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here