“Waa in aynu adduun weynaha ka dhaadhicino Astaamaha qaranku leeyahay…”

0
130

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ugu baaqay wasaarradaha iyo haayadaha kale ee dawladda in ay addeegsadaan Astaamaha Qaranka ee Saxda ah.

Astaamaha qaranka waxaa ka mid ah Calanka, iyo Khariirrada Juquraafi ahaaneed wadankeenna, iyadoona loo baahan yahay in ka isticmaalo astaamaha saxda ah ee qaranku leeyahay.

Waxaanu sheegay wasiirku in marka koowaad aynu ku dhaqano qaran ahaa addeegsiga astaamaha qaranka, isla markaana ay isticmaalaan wasaarradaha, haayadaha dawladda, shirkadaha, iyo cid kastoo xaq u leh in ay isticmaasho astaamaha qaranka.

Intaa kadib na waa in aynu la wadaagno adduun weynaha uu xidhiidhku inaga dhexeeyo, si ay u gartaan uga na dhaadhicino Sumadaha, iyo astaamaha aynu qaran ahaan gaarka u leenahay.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa kaloo uu xusay in mudnaanta la siinayo in inagu qaran ahaan marka hore ay waxeenu yihiin wax sugan oo aynu is la fahamnay.

Wasiirka Dastuurka Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyag tababarka ku saabsan Addeegsiga Habboon ee Astaamaha Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo uu shalay u soo xidhay shaqaalaha wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland.

Waxaana tababarkaas soo diyaariyey waaxda Ilaalinta Astaamaha Qaranka iyo Af-ka Hooyo ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo muddo magaaladda Hargaysa uga socday shaqaale weynaha wasaaradda Dastuurka.


Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo muhiimadda tababarkaasi ka warbixinayayna waxa uu yidhi “Tababarkani waa mid muhiim u ah qaranka jamhuuriyada Somaliland. Waana mid aynu u xil-saaran nahay in aan xaqiijino, oo aynu gaadhsiino dhamaan haayaddaha kala duwan ee qaranka Somaliland iyo muwaadiniinta ba. Si ay u isticmaalaan Astaamaha saxda ah ee qaranka”.

Waxa kaloo uu wasiirku ka hadlay sida ugu wanaagsan ee loo addeegsanayo astaamaha qaranku leeyahay, iyo in marka hore la isla fahmo astaamuhu kuwa ay yihiin.

“Marka koowaad waa in aynu ku dhaqano qaran ahaa. Wasaarradaha, haayadaha dawladda, shirkadaha, iyo cid kastoo xaq u leh in ay isticmaasho astaamaha qaranka, waa in ay isticmaalaan.

Intaa kadibna waa in aynu la wadaagno adduun weynaha xidhiidhku inaga dhexeeyo, si ay u gartaan uga na dhaadhicino Sumadaha, iyo astaamaha aynu gaarka u leenahay. Taana waxaa ka horeeya in ay waxeenu yihiin wax sugan, oo aynu is la fahamnay”ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaa la soo gaadhay wakhtigii qaranka jamhuuriyadda Somaliland haayadihiisa kala duwan, iyo cid kastoo astaamaha qaranka isticmaashaa ay ku dhaqmi lahaayeen astaamaha saxda ah.

Waxaan ugu baaqayaa wasaarradaha dawladda in ay adeegsadaan Astaamaha Qaranka ee Saxda ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here