Shuraakadda Daneysiga ah ee Ganacsatada iyo Xukuumaduhu Waa Mushkilad Kale Oo Saameyn Ku Leh Nolosha Shacabka Danyarta ah Ee Dalalka Afrika

0
484

Tan iyo intii ka Dambeysay Waayadii dalalka Afrikaanka ahi Xornimadda ka Qaateen Gumeystihii Reer Yurub, Waxaa Xukunka intiisa baddan qabsadey Xukuumaddo Millatari oo ka fara maroojiyay, Taladda dawladihii Rayidka ahaa, kuwaas oo cadaadis iyo Dhibaatooyin aad u ad-adag soo gaadhsiiyay Shucuubta rayidka ah iyagoo, u cuskadey Qoddobada ‘Miskiinbaa-Misgo Lafuullo leh’ Xaqiiqdiina aad ayey u tixgalin jirreen Ganacsatadda iyo Tujaartii lacagta haystey si ay danahooda uga Fushadaan.

Lagama sheekayn karro inta ku dhimatey inta Curyaantey iyo inta ku baaba,dey Gumeystaha labaad ee Dalalka afrikaanka ah soo marey haba u badnaadeen Xukuumadahaa Taliyayaasha Milatarigu hogaaminayeen waxey geysteena aan laga soo kaban karrin.

Haddaba Qarnigan aynu joogno Dawllado badan oo Afrikaan ah ayaa Wali Si Casri ah u Adeegasdda Gumeysiga Qarsoon, ee Dhiiga Shacabka si arxandarro ah tuumbooyin dhaadheer ugu jaqqa iyagoo, aan u Aabo yeelin islamarkaana, ka soo weerara dhinacyada Nolosha aasaasiga u ah ee Quutal daruuriga iyo Arimaha Bulshada labadaba Waxaana Sanidihii u Dambeeyay Gumeysiga Qarsoon ee Dhiiga Shacabka Cabayaa’ Markii u horeysay  kasoo if baxey Dalalkan Geeska Afrika kaas oo u badan Shuraakada Ganacsatada iyo Xukuumadaha oo kasoo bilaabmey Dalkan aynu dariska nahey ee Jabuuti taas,oo Mustaqbalkeeddu u badan yahey ‘Labaddii Xaqdarada ku Heshiisay,Xaqey ku Coloobaan’ Inkastoo Noloshu Sideedaba Qaali ku tahey dalkaasi Jabuuti haddana Waxa mar kaliya siweyn loo dareemay Markii uu taladda dalka Jabuuti La Wareegay Madaxweynaha hadda talada haya Ismaaciil Cumar Geele oo ay labada gacmood ku wadaageen Siyaasaddii iyo Dhaqaalihii, isaga iyo Saaxiibkiisii ay isa seegeen muddo imika laga joogo Tobaneeyo Sanno (Cabdiraxmaan Boore) ,Waxaa lawada ogyahey in ay muddo badan Shuraako u ahaayeen Shacabka Reer Jabuuti marka laga soo bilaabo ilaa Wakhtigii uu Cimri dambe soo joogsadey Madaxweynihii hore ee Dawllada Jabuuti Al-Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon  

Waxa ay Marba heer soo martaba aakhirkii, nidaamkaasi Waxa uu ka noqdey Dawllada Jabuuti ee uu Hogaamiyaha u yahey Ismaaciil Cumar Geele, in Ganacsato kasta oo dalkaa hore uga jirtey nidaamkiisa ka hor lagu dirqiyo in ay Shuraako la Noqdaan Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo aanu marnaba habayaraatee Ganacsigu noqonin mid ka madaxbanaan Nidaamka oo xor ah Tusaale ahaana haddii uu mid kamid ahi inkiro Nidaamka Waxaa lagu soo rogayey Cashuuro iyo tacadi dheeraad ah oo dhinaca Maaliyada iyo Isticmaalka Dekedda iyo Madaarkaba lagaga soo rogayay badeecad kasta oo uu dalka la yimaaddo ama keenaba,ilaa iyo inta lagala wareegayo hantidiisa.

Sikasta oo ay arimahaasi yihiin Waxaa u dambeysay oo aynu kaga Tusaale qaadan karnnaa dhacdadii ku dhacdey Ganacsade Axmed Geele ee Nidaamku kula Wareegay Qeybo baddan oo hantidiisii ma Guuraanka ah aheyd kadib markii uu Diidey Shuraakada in lagu weheliyo Ganacsigiisii Dhaxalka ahaa ee mudada dheer kasoo shaqeeyay Geeska-Afrika,Waxeynu wada ognahey indhawaale marka laga soo bilaabo intii Madaxweynaha Xiligan ee Somaliland Muuse Biixi talada dalkan la Wareegay, waxaa si xoog ah loogu xansanayay in uu ka Shidaal qaato Madaxweynaha Jabuuti ee caadeystay Shuraakada Ganacsiga iyo Xukuumada Waxaana maalmihii ugu dambeeyay Golaha Wakiilada Somaliland cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Shuraakadda Isgaadhsiinta oo haddana Shuraako lagu yahey, Wuxuu u muuqdaa Qoddob mudo laga shaqeynayey oo Mudanayaasha laf ahaantooda lagaga soo dhameeyay Golaha Dibadiisa iyadoo mid walba Gaarkiisa looga Sexeexay,lagana (Mustafeeyay) Wuxuu qeybka  yahey Xeerkaasi ama Mooshinkiisu mid laga soo Minguuriyay Dhinaca Dawllada Jabuuti oo danno ah islamarkaana, ujeedadiisu daaran tahey ‘Gumeysiga Qarsoon’ ee Casrigan la jaan-qaadaya

‘Marka Dawlladeenii iyo Dukaamadii jirrey Danyarta u Midoobaan, Mid Laduudsiyaa jiiree Aawey Dawliskii iyo Ceelkii Loo Darri Lahaa Dantii Guud Sawtaa Ku Dam-tidhi Wadaamaha’.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

LEAVE A REPLY