Somaliland oo War Ka Soo Saartay In Itoobiya Ay Hakisey Hishiiskii Dekeda Berbera

0
2684

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay goordhawayd war ka soo saartay in dawladda Itoobiya ay Itoobiya ay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera.

Wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay dowladda Itoobiya ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaadhinta dekeddaasi.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ka hadley wararka sheegaya in Itoobiya ay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda Berbera.

Waxaana uu Wasiir Faaratoon sheegay in warkaasi aanay habayaraatee waxba ka jirin islamarkaana ujeedo gaar ah laga leeyahay arintaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here