Shirkii Shaqaalaha Madaarka iyo Masuuliyiinta Duulista oo Maanta Qabsoomay iyo Qodobada Diirada lagu saaray

0
942

 

“guushu waxa ay ku xidhan tahay samir in aad samirto, iyo in aad Dalkaaga u shaqayso.”Wasiir Axmed N Faahiye  

“Qofka Shaqaalaha ah ee qof kayuuga u fududeeya ee shandada u qaada, ee Basboorka u qaada, ee kayuugiisii uu gali lahaa ee uu dadka kala mid ahaan lahaa dhaafiya, waa danbiile ama madax ha ahaado ama minjo ha ahaadee, waxaynu rabnaa Dadku in ay sinaadaan marka ay Madaarka soo galaan.” Agaasime Cumar Zayid

 

Dadka Qurbo jooga ahna waxan leeyahay waxa aad ku soo guryo noqonaysaan Wadankiinii, waxaanu idiinla diyaar nahay in aanu idiin soo dhaweyno, si aan la idiinku soo dhawey Garoomada kale ee aduunka ee aad ka gooshtaan ama ka soo degtaan.” Maamule Maxmed yuusuf

dulista

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkii Bisha dhamaadkeeda ay wada yeelan jireen Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Maamulka Madaarka Cigaal International Airport  iyo Shaqaale weynaha Madaarkaasi, ayaa manta ka qabsoomay Madaarkaasi, waxaana diirada lagu saaray sidii si wanaagasan loogu soo dhaweynlaha oo ay ugaga soo dagi lahaayeen Madaarka Dadka Qurba jooga ee Xagaagan fasaxa ku imanaya Wadanka.

dd

Waxaa kulankan ka fadlay Maamulaah Madaarka International Airport  Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shaqaalaha kula dardaarmay in si nidaamsan loo qaabilo Dadka imandoona Xagaaga, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa:-“waxa aynu galay bishii shanaad oo badhtamaheeda uu bilaabmo Xagaagu oo ay Qurbo jooga Reer Somaliland ama cidkasta oo danaynaysa Wadanka ay ku soo kuryo noqdaan, arintaas dadka qurbo jooga ah ee Wadankoodii ku soo guryo noqonaaya, laga yaaba dadbadan ayaan dib u soo noqon sidii ay wadanka uga dhoofeen, sida aad la wada socotaan Madaarku waa Muraayadii Wadanka, Shaqaale ahaan iyo Madaar ahaan, Wasaarad ahaan waxaa inala gudboon, in aynu Dadkaa ku soo dhaweyno, oo Dhamaan Hawlwadeenada kala duwan ee Madaarku ay ogaadaan, Dadkaasi Qiimaha ay inaga Mudan yihiin, isaga oo Maamule Maxamed hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi,“waxaan Jecelahay arintaa xagaaga oo niyad waadica, oo Shaqo hufnaan ah, in aynu u muujino Dadkeenaa qurbaha ka imanaaya, ee doonaya Wadankooda in ay fasaxooda ku qaataan, Dadka Qurbo jooga ahna waxan leeyahay waxa aad ku soo guryo noqonaysaan Wadankiinii, waxaanu idiinla diyaar nahay in aanu idiin soo dhaweyno, si aan la idiinku soo dhawey Garoomada kale ee aduunka ee aad ka gooshtaan ama ka soo degtaan.”

dus

Dayib Cismaan Caalin Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo kulankan ka soo qayab galaya ayaa shaqaalaha talooyin badan halkaasi uga soo jeediyey, sidoo kale waxa uu amaan u soo jeediyey Masuuliyiinta Wasaarada Duulista oo uu ku amaanay wax qabadka ay sameeyeen, waxaana ka mid ahaa hadalkiisa:- “Ma arag Maalin uu Madaarku ka qurux badanyahay, oo ka tababar badan yahay, oo ka habaysan yahay, oo ka dhisme badan yahay, oo ka qalab badan yahay Maanta ka hor imay soo marin.”

jjjj

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan ayaa shaqaalaha uga digay in ay dadka soo degayaasha ah soodhaweyan gaar ah u sameeyaan oo aan ahayn ta shaqada, maadaama Wasaarada Duulistu joojisay soo dhaweynihii Madaarka Gudahiisa, waxaana hadlkiisa ka mid ahaa:-“Waxaan doonayaa Shaqaale Weyanaha Madaarka in aan u sheego, inaga lafteenu in aynaan soo dhaweyanaha ka qaybqaadan maadaama aynu joojinay, waxaa laga yaabaa mid inaga mid ah in Walaalkii imanaayo, waxaa laga yaabaa, waxaa lagayabaa mid inaga mid ah in eedadii imanayso, waxa laga yaabaa in Qof aad meel uun qaraabo ka tihiin in uu Madaarka ka dhoofayo ama ka soo degaayo, qofka Shaqaalaha ah ee qof kayuuga u fududeeya ee shandada u qaada, ee Basboorka u qaada, ee kayuugiisii uu gali lahaa ee uu dadka kala mid ahaan lahaa dhaafiya, waa danbiile ama madax ha ahaado ama minjo ha ahaadee, waxaynu rabnaa Dadku in ay sinaadaan marka ay Madaarka soo galaan.”

hhhhy

Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye ayaa isana halkaasi ka sheegay in Wasaaradiisu ay Guul taagan tahay marka la barbar dhigo wakhtiyo hore, waxaanu yidhi:-“Runtii Madaarka iyo Wasaarada Duulistu ee J/S/L waxa ay soo martay wakhtiyo badan, marxalado adag, Maanta waxa ay maraysaa meel aad iyo aad loogu naaloon karo, oo Jamahuuriyad Somaliland ay ku faani karto, manta waxa ya joognaa Cigaal International Airport  2007 ayaan ka soo degay oo waxaan waayey shandadii aan sitay, lama xadin laakiin Xamaalin ayaa kala boobay oo la yaacay, maantana waxa aynu maraynaa halkaa guushu waxa ay ku xidhan tahay samir in aad samirto, iyo in aad Dalkaaga u shaqayso.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here