SAGAL JET Oo U Dabaal Degtay 15 Guurrada Ka Soo Wareegtay Markii La Aasaasay

0
573

Hargaysa (HP): Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET oo ka hawl gasha dhamaanba goboladda dalka somaliland ayaa u dabaal degtay 15 guuradda ka soo wareegtay markii la aasaasay shirkadaasi.
Sidoo kale waxaa dabaal degaasi ku lamaanaa abaal-marinta shaqaalihii ugu wanaagsanaa sanadkii tegay ee 2021-ka, ee ka midka ahaa shaqaalihii ugu wanaagsanaa.

Abaal-marinta shaqaalaha ee SAGAL JET ayaa iyadu ah mid sanad walba ay shirkadu qabato, isla markaana ay ku abaal-mariso shaqaalaha ugu wanaagsanaa ee dedaalka iyo hawl-karnimadda muujiyay.
Munaasibadda dabaal degga 15 guuradda ka soo wareegtay aasaaska SAGAL JET iyo abaal-marinta shaqaalaha oo xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).


Xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, masuuliyiin ka socday xisbiga KULMIYE, xildhibaanno ka kala tirsan labadda gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda.
Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay ganacsatado, uu ka mid ahaa Dr. Ismail, aasaaha shirkada World Remit iyo Sahamiye Foundation, maareeyaha guud ee shirkadda SAGAL JET Cabdi Yuusuf Aar, siyaasiyiin, abwaano, aqoon yahano, dhalinyaro, haween, iyo marti sharaf kale.

madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu hambalyeeyay shirkadda Sagal jet dedaalka ay muujiyeen iyo hayaanka dheer ee ay soo mareen.
Waxaanu sheegay C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), in Sagal Jet ay tahay hanti ka mid ah hantiyaha ay leedahay Somaliland.

Gudoomiyaha Shirkadda Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay shirkadu, waxaanu sheegay in shirkadda Sagaljet ay hayaan dheer u soo marty halka ay maanta taagan tahay.
Waxaanu tilmaamay in ay jirtay mar ay shirkaddu lahayd dhawr qof oo shaqaale ah, halka ay maanta na shirkadaasi ka shaqeeyaan in ka badan saddex boqol oo qof.

DAAWO: Xafladaasi Dabaal Dega 15 Guuradda Sagal Jet iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

“Aad baan ugu hambalyaaa shirkadda Sagaljet dedaalka ay muujiyeen iyo hayaanka dheer ee ay soo mareen. waana hanti kamid ah hantida at Somaliland leedahay”… Madaxweyne ku xigeenka JSL

“Shirkadda Sagaljet hayaan dheer ayay soo marty, marbaa jirtay ay shirkaddu lahayd dhawr qof oo shaqaale ah, maantana waxa shirkadda is shaqeeya in kabadan saddex boqol oo qof”… Cabdi Yuusuf Aar Gudoomiyaha Shirkadda Sagaljet

“Cabdi Yuusuf mar aanu wada shaqayn jirnay waxa ii muuqatay in uu maamuli karo shirkad kartideedana uu leeyahay maantana waad aragtaaan waxaanan leeyahay shirkada iyo shaqaaleehadaba hanbalyo sanad guuradeeda 15aad”… Dr. Ismail, aasaaha shirkada World Remit iyo Sahamiye Foundation.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here