Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2022-ka

0
360

Hargaysa (HP): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta duuduub ku ansixiyay miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2022-ka, taasoo muddooyinkan ba ay xildhibaanadu doodeedda ku guddo jireen.
Waxaanay golaha Wakiiladu wax ka bedel balaadhan ku sameeyey odoroska Miisaaniyada qaranka ee sanadkan 2022-ka.
Iyadoona 10% loo kordhiyey Mushaharka Ciidamada kala duwan ee JSL oo loogu daray 20%kii Dawladu Miisaaniyada ku soo dartay taas oo noqonaysa in 30% mushaharka Ciidanka la kordhiyey.
Miisaaniyada Doorashooyinka Ayay Goluhu u kordhiyeen qoondadii markii hore loogu talo galay
Waxa sidoo kale sida idiinka muuqata Lifaaqa wax ka bedelka balaadhan ee miisaaniyada lagu sameeyey oo taabanaysa Nolosha Bulshada sida Biyaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Waana markii ugu horaysay ee Goluhu Lacag intaas leeg (59 Bilyan oo somaliland shiling) ka bedelaan halkii markii hore loo qoondeeyey oo loo leexiyo Meel kale oo uga baahi badan.
Gudida dhaqaalaha Ganacsiga iho Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL ayaa Hawshan ku mashquulsanayd 2 todobaad iyo dheeraad aanay saacad qudha ka nasanin.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here