“Ciyaarihii dalka laga soo qabtay waxaa laga maalgeliyay miisaaniyadda wasaaradda”…

0
304

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa sheegay in sanadkan cusub ay u qorshaysan tahay in ay dalka ka qabtaan tartamo ciyaareed oo kala duwan.
Agaasime C/rashiid, waxa kaloo uu tilmaamay in dhamaanba tartamadii kala duwanaa ee ay sanadkii tegay ee 2021-ka dalka qabteen iyo kuwa soo socda ee la qaban doono ba laga maalgeliyay miisaaniyadda wasaaradda ciyaaraha.
C/rashiid Caydiid, oo hadal ka jeediyay munaasibad Hargaysa lagu qabtay ayaa xusay in tartamo intii hore ay sanadkii tegay u soo qabteen iyo in ka badan ay rejaynayaan in ay sanadka na dalka ka qabsoomaan.

Geesta kale agaasimuhu Waxa uu balan qaaday in ay wasaarad ahaan u qorshaysan tahay in ay ciyaaraha Somaliland gaadhsiiyaan heerka caalamka, isla markaana ay ciyaaruhu ay noqdaan kuwo tayo leh.

DAAWO: Agaasime C/rashiid Caydiid Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here