Shirkadda SAGAL-JET Oo Mar-kaliya Saddex Xafiis oo Cusub Ka Furatay Xaafadaha Kala Duwan ee Caasimadda Hargeysa + SAWIRRO

0
1827
MID KA MIDA XARUMAHA CUSUB EE SHIRKADDA SAGALJET

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Md. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa xadhigga ka jaray saddex xafiis oo ay shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL-JET ku yeelan doonto xaafado kala duwan oo ku yaalla caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda xadhigga lagaga jarayey xafiisyadan cusub oo ay goob joog ka ahaayeen maareeyaha guud ee shirkadda SAGAL-JET Md. Cabdi Yuusuf Aar, madaxa suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Md. Sacad Cabdi Daahir, wasiirka wasaaradda ganacsiga Md. Cumar Shucayb Maxamed iyo saraakiil sare oo ka kala socda shirkadaha Telesom iyo Somcable, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo adeegga ay shirkadda SAGAL-JET bulshada u hayso iyo xawaaraha koritaanka ah ee ay ku socoto.

Xafiisyadan cusub ee shirkadda SAGAL-JET furatay oo loogu talogalay in macaasiisha loogu fududeeyo hawlaha ay shirkaddu qabato, ayaa laga furay xaafadaha Jig-jiga yar, New Hargeysa iyo Biriishka weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana halkaas lagu qaban doonaa dhammaanba adeegyada muhiimka ah ee uu xarunta guud ee shirkadda lagu qabto.

Ugu horrayn maareeyaha guud ee shirkadda SAGALJET Md. Cabdi Yuusuf Aar halkaas ka hadlay, ayaa bulshada u sharraxay waxyaabaha uu xafiiskani qaban doono macaamiisha shirkadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi.  “Farxad weyn bay noo tahay in shirkad ahaan aanu maanta macaamiisha adeeggii ugu geyno Albaabka,maadaama baahi badani ay timi oo halkii ay suuqa iyo xarunta guud ka tegi lahaayeen ay halkan ka adeegan karaan, xarumahanina waxa ay qabanayaan dhammaanba adeeggii ay xarunta guud qaban jirtey.”

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Md. Cumar Shucayb Maxamed oo isaguna hadal kooban madasha xadhig ka-jarista ka jeediyey, ayaa bogaadiyey doorka ay shirkadda SAGAL-JET  aga jirto bilicda dalka iyo weliba shaqo-abuurka dhallinyarada, waxana uu yidhi, Degdegga iyo dedaalka ay shirkadda SAGAL-JET ku tallaabsaday waan hambalyeynayaa, waxana ay si weyn uga qayb qaadatay shaqo-abuurkii dalka, waayo Arday badan oo ayey shaqo siiyeen, muhiimadda ganacsiga laga leeyahayna waa inuu shaqo soo kordhiyaa.”

Xubno kale oo ka socday shirkadaha SOMCABLE iyo TELESOM oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa shirkadda SAGAL-JET ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay iyo sida ay muhiimadda u siisay fududaynta adeegyada ay macaamiisheeda u qabato.

Xafiisyada cusub ee shirkadda SAGAL-JET ka furatay goobaha kala duwan ee caasimadda Hargeysa ku yaalla, ayaa fududayn doona culayskii xarunta dhexe haystay, waxana ay macaamiisha shirkaddu ka heli doonaan dhammaanba adeegyadii ay xarunta guud qaban jirtey oo loosoo dhaweeyey.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO KALE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here