Shirkadda Dahabshiil Oil oo Shidaal Qiimo-jaban Lagu Iibinayo Keentay Somaliland

0
726

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shirkadda Dahabshiil Group faraceeda Dahabshiil Oil,  ayaa Dekedda Berbera keentay Markab Shidaal ah oo qiimo ka jaban heerka uu Somaliland ka marayo oo cirka isku shareeray beryahan dambe lagu iibin doono.

War-saxaafadeed Dahabshiil ka soo baxay oo lagaga warramay Markabkan Shidaalka ah, oo nuqul ka mid ah ay heshay Hargeisapress, ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Dahabshiil Group faraceeda Dahabshiil Oil oo tix-gelinaysa duruufaha kala gedisan ee dalka ka jira, waxa ay ugu bushaaraynaysaa bulshada Somaliland in Shirkaddu keentay Shidaal qiimihiisu jaban yahay, taasi oo aannu rajaynayno in ay wax weyn ka tari doonto xaaladda dalka ee sicir bararka wakhtigan jira.

Sidoo kale, iyaddo aynu ogsoonahay in qiimo korodh ku yimid qiimaha shidaalka Caalamka, shirkaddu iyadoo ka jawaabaysa baaqii Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland, tudhaale ay ka qabto dadkeeda awgeed waxa ay go’aansatay in ay baaqaasi ka jawaabto dadkeedana u raadiso shidaal jaban oo munaasib ku ah duruufaha bulshadeeda.

Sidoo kale, waxa aannu ugu baaqaynaa Ganacsatada Shidaalka iyo Kaalmaha Shidaalka iibiya in bulshada ka jebiyaan qiimaha shidaalka, iyagoo tix-gelinaya duruufaha wakhtigan dalka ka jira ee Sicir-bararka iyo Abaaraha. Sidoo kale, Xukumadda waxa aannu ka codsanaynaa in ay cashuurta ka dhinto shidaalka dalka imanaya. DahabshiilGroup DahabshiilOil.” Ayaa lagu yidhi warka Dahabshiil ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here