Kulan Ku Saabsan Qorshaha Xeerka Xuquuqda Caruurta oo Hargeysa Laga Daah-furay

0
602

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, ayaa qabatay kulan gogol xaadh u ah hanaanka iyo qorshaha xeer ilaalinta xuquuqda caruurta.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargeysa, waxaa si rasmiya u furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqo gelinta Somaliland, iyo masuuliyiin wasaaradaasi ka tirsan.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi ka soo qayb-galay qaar ka mida haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee daneeyayaasha arrimaha caruurta.

Waxaana kulankaasi la isku waydaarsaday tallooyin ku saabsan hanaanka iyo qorshaha xeerka caruurta.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha qoyska iyo bulshadda Somaliland Cabdirashiid Maxamed Muumin, oo kullankaas si rasmi ah u furay ayaa dar-daaran iyo tallooyin u soo jeediyay xubnaha ka qayb-qaadanaaya kulankaasi.

Waxaanu ku booriyay in mudada u socdo kulanku inay xoogga saaraan sidii kullankaasi ay uga soo bixi lahaayeen tallooyin iyo xoggo la xidhiidha horumarinta xeerka xeerka carruurta.

Geesta kale masuuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa xusay muhiimadda xeerkaasi u leeyahay ilaalinta xuquuqda caruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here