Shirkada CoCaCola Foundation Oo Xadhiga Ka Jartay Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Shan Milayan Oo Doolar Ku Baxayso + SAWIRRO

0
1013

Hargeysa (HargeisaPress) —Shirkada CoCaCola Foundation ayaa xadhiga ka jartay mashruuc shan milayan oo doolar ku kacaaya oo ay kaga qayb gashay biyo balaadhinta Hargeysa, mashruucan oo haatan balaadhintiisu kala badhka ku dhawdahay. Mashruucan ayay shiradan kala qaybgalaysaa shirkada maxaliga ah ee SBI, waxaana la doonayaa in qasabadaha biyaha lagu gaadhsiiyo 220 kun oo qof kuwaas oo ku nool xaafadaha Masalaha,Isha Boorama,Siinga-siingaha iyo duleedka hudheelka Maansoor.

Xaflada furitaanka xadhig ka jarista mashruucan oo kalabadhka ku dhaw waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, wasiirka biyaha, wasiirka diinta iyo awqaafta, wasiir ku xigeenka qorshaynta, salaadiin iyo inbadan oo ka mid ah labeenta magaalada Hargeysa.

Axmed Cismaan Geele maaumulka shirkada SBI CoCaCola ayaa ka sheekeeyay sida mashaariicsan biyo galinta ee dalka ay ku soo bilaabeen “ Todobadii sanadood ee ugu danbeeyay waxii ay CoCaCola Foundation iyo SBI ay isla soo mareen iyo wadanka waxii ay ka qabteen dhanka biyaha, waxaanu ku bilownay 2012-kii inaanu Xafar aanu biyo ka keeno ilaa Sheekh Cumar iyo Ayax waxaana ku baxay mashruucaas 200 oo kun oo doolar biyihiina waa laga cabaa oo dadkii waa ay ku intifaaceen, waxaana noogu xigay magaalada Burco magaalo madaxda labaad ee Somaliland oo aad ugu baahnayd biyo waxa mashruucaas ku baxay 700 oo kun o doolar waxa maanta ka caba 120 kun oo qof oo waxa uu dhamaaday 2015-kii, waxa imika inoo bilowmay Rain 3 waxaana ku baxay 5 milayan oo doolar, 22 kun oo qoys ayaa ka cabi doona oo aanu ku qiyaasnay 220 kun oo qof, waxaanu dhamaan doonaa 18 bilood dibadeed, Burco oo kale waxa la dhigay qasabado 27 Km ah, reer Burcna halkan ayaan ka salaamayaa oo aad mashruucaas noogala shaqeeyay.”

Marwo  Adna Aadan Ismaacil ayaa u mahadnaqday CoCACoLa Foundation iyo SBI waxaanay ku tilmaamtay biyahaasu inay yihiin kuwo dadka Hargeysa iyo deegaankaas lagu balaadhiyayba ay aad ugu baahan yihiin. Cabdikariin Axmed Mooge oo dhankiisa ku haday afka waalidiinta biyahan ay soo gaadhayaan waxa uu halkaas ka yidhi” CoCaCola Foundation ayaanu uga mahadnaaynaa mashruucan waayo aroor walba waxaanu toosnaa anaga oo ka war-warsan biyaha ay kuu shibtay booyadu caruurtaada halis miyay ku yihiin, biyo nadiif ah ma ahaayeen ileen ma ogin meel ay ka soo qaadaane, markaas aniga oo waalidiinta xaafada ah waxaan ka mahd naqayaa in ay rajo jirto oo ay biyo noo soo socdaan, waxaana shirkada SBI uga mahd naqayaa inay si balaadhan oo wadaniyad leh oo Somaliland nimo leh ay uga jawabaatay waxii ugu mudnaa baahidii taalay oo biyo ahayd oo aan ku koobnayan xaafad,degmo iyo magaalo gaar ah, waa garasho weyn in SBI iyo madaxdoodu ay inoo fakaraan qof kasta oo Hargeysa ku nool sidii uu biyo u heli lahaa.”

Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa ka mahadnaqay mashruucan waxaanu ka sheekeeyay dhibaatada biyo la’aaneed ee dalka ka taagan iyo sida ay xukuumada haatan ee madaxweyne Biixi mudnaanta koowaad u siisay sidii biyo ku filan dadka Somaliland ay u heli lahaayeen, wasiirka ayaa ku taliyay in loo baahan yahay in la qabto biyaha roobka oo ay aad uga fudud yihiin biyaha dhulka hoostiisa laga doonayo.

Ugu danbayntii waxa xafladan xadhig ka jarista ah ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiramxaan Cabdilaahi Ismaacil saylici waxaanu ka mahadnaqay biya balaadhinta Hargeysa ee xukuumada laga caawiyay“Waxa sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qaybgalo mashruuca halkan lagu furaayo oo in mudo ah soo socday gabogabona ku dhaw oo ah mashruuc aad u qiimo badan oo aanu horena u soo dhawaynay mahad alle ka sokowna aanu ugu mahad naqayno shirkada CoCaCola Foundation shirkadeena maxaliga ah ee SBI is kaashiga wanaagsan ee ay nagala yeesheen sidii biyo loogu heli lahaa Hargeysa oo sanadkii 2012-kii tijaabadii ugu horaysay laga sameeyay, runtii waa wax alle loogu mahad naqo shirkad mudo kooban ka shaqaynaysay dalkeena oo la odhan karo waa mudo shan sanadood ah inay ina galisayna wali ugamayn soo bixin Somaliland, waxaan isleeyahay mustaqbalka ayay ugu talo galeen inay ka helaan uun, waa hanti lix milyan oo doolar isku noqonaysa aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa.

Geeska

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here