Djibouti (Hargeisa Press) – Waxaa dalka jamuuriyada Jabuuti shalay si rasmi ah uga furmay shirkii madasha aragti wadaaga Soomaalida ee Heritage.
Shirkan madasha aragti wadaaga Soomaalida, ayaa waxaa sannad walba soo qaban-qaabiya machadka Heritage.
Shirka sannadkan waxaa lagaga hadlayaa oo lagu lafo guri doonaa maalmaha uu socdo baadhitaano laga sameeyey abaaraha ku soo noqnoqday deegaanada Soomaalida.
Shirkan, ayaa waxaa ka qayb galay Masuuliyiin kala duwan iyo weliba aqoonyahan isaga kala yimi gobolka Geeska Afrika, Deegaanada Soomaalida iyo Qurbaha.
Waxaa aanay sidoo kale Masuuliyiinta iyo Aqoonyahanadu ay sannadkan shirka kaga doodayaan isbedelka cimilada iyo colaadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo Deegaanada Soomaalida.