Shirkadda Facebook oo Somaliland Keentay Xadhkaha Internetka Ee Fiber Optic

0
4783

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in shirkadda Facebook ay Somaliland keentay Xadhig Internet ah, kaasi oo ay ugu talo-gashay inay bulshadu ka faa’idaysato isla markaana ay isticmaalaan, iyada oo ka faa’idaysanaysa suuqa xorta ah ee adeeg bixinta isgaadhsiinta dalka.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Cabdillaahi Seekh Suufi Jibriil, ayaa sheegay in ay xukuumadda iyo sadexda shirkadood ee isgaadhsiintu ay ku heshiiyeen shirkad ka shaqayn doonta kaabayaasha xadhkaha Internet-ka iyo gudbintooda, taasina ay keentay in xadhko badan oo caalami ah ay ku soo hirtaan inay keenaa xadhko xambaara internet-ka dalka Somaliland.

Wasiirka, ayaa waxaa uu sheegay in cid kasta oo reer Somaliland ah oo awooda ay keeni karto xadhiga xambaara Internet-ka, loona siman yahya, cid uu kooto ugu xidhan yahayna aanay jirin.

Waxa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan xeerkii lagu maamulilahaa dadka wax ka iibsada suuqyada Online-ka, waxa uu intaas raaciyay inay dhawaan soo bandhigayaan daraafka xeerka ka hortaga danbiyada iyo beenaha baraha bulshada dadka lagaga faafiyo.

Waxaanu yidhi.“Waxa noo dhammeystirmay heshiiskii Cable-ku oo maanta keenitaanka xadhiga Kaybelku wuu furan yahay cidkastana ay keeni kartaa.

Sidoo kale, waxa la sameeyay shirkad afar geesood ah oo saddexda shirkadood ee ugu waa weyn iyo dawladdu ay wada leeyihiin, shirkaddaasi oo maamulaysa kaabayaasha xadhiga, ee isku xidha magaalooyinka iyo meelaha muhiimka ah iyada oo bishi 2/8/2022 uu dhacay, in qiimaha Internetku uu aad hoos ugu dhaco, xawaarihiisu kor u kaco, shirkado kale oo dheeraad ahina ay ku soo biireen tartanka suuqa Internetka.

Waxa yimid mudadaas laba xadhig oo caalami ah, oo mid uu leeyahay Facebook, mid kalena uu leeyahay Company weyn oo la yidhaado Saada, waxa  iyaguna hadda soo socda xadhko kale, oo aanu ka wasaarad ahaan aamisanahay in Berbera ay noqon doonto xarun xadhkuhu ku soo dagaan, caalamkana aynu wax la qabi doono, sidoo kalena aynu qayb ka noqon doono tartanka isgaadhsiinta.

Waxa kale oo noo hirgalay isdhexgalka telefoonada shirkadaha isgaadhsiinta, Somtel iyo Telesom ayaanu ku bilownay, waxaanay hirgashay bishii afraad, isku xidhka shirkadaha telefoonaduna sifiican ayuu u shaqeeyaa.

Waxa iimika aanu gacanta ku hayna xeer ka hadlaya danbiyada Tiknoolojiga, oo uu ka mid yahay been abuurku, aflagaadada, waxa ay dadku baraha bulshada ku qorayaan, isla marka dadka lagu dhaleecaynayo wax jira iyo waxaan jirinba ay ku qorayaan, kaas ayaa wasaaraddu diyaar u tahay daraafkiisii hore inay soo bandhigto maalin dhaw.

Waxa aanu hadda gacanta ku hayna xeer lagu maamulayo Tiknoolojiga dawladda, Dhukumeyntiska ay hayaan hay’addaha dawladdu qaabkee loo maamulayaa, sidee loo maraynayaa, side xafiisyada dawladdu xogta u kala qaadanayaan, kaadhka muwaadinka ee wasaaradda arrimaha gudaha yaal siday wasaaraddaha kale ee u baahani xogtaasi si fudud uga qaadanayaan?.

Waxa isna aanu gacanta ku hayna xeer ka hadlaya iibabka wixii electaroonig ah, dadka suuqyada Online-ka wax ka iibsada maxaa lagu maamulaya, oo tusaale ahaan haddii cidii uu wax ka iibsaday ay u keento wixii uu lacagta ka bixiyay wax aan ahayn maxaa maamulaya, marka xeerkii lagu maamuli lahaa ayaanu gacanta ku haynaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here