Shirka Maalgashiga Puntland oo Ka Furmay Garoowe

0
502
Garoowe (Hargeisa Press)- Shirka maalgashiga ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa ka qaybgalaya maalgashadayaal, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo khayraadka ee gobolka.

Shirkan waa midkii u horreeyay ee noociisa ah ee ka furma maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiinta ugu sarreeya Puntland ayaa shirka ka qaybgalay.

Madaxweyne Deni, ayaa hore u sheegay shirkan inuu usoo jiidayo Puntland maalgashadayaal caalami ah.

 

Hargeisa Press.com/Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here